Alfu Layla Wa Layl Waa Duni Ku Sixraysa Sheekoyin Jacayl Abdikadir Diidii

Sheekooyinkani Waxa Ay Aad U Caan Bexeen 1704 Markii Uu Aqoonyahanka (Anduan Chala) Uu Afka Faransiiska Ku Turjumay.

Qarnigii 18aad Wixii Ka Danbeeyay Aad Bay Bulshooyinka Caalamku Iskugu Gudbin Jireen,Waxa Laga Dheegan Jiray Habka Loo Curiyo Sheekooyinka Caruurta Sawir Gacmeedka Xataa Musikada.
Waxaa Ku Jira Sheekooyinka Kun Habeen Iyo Habeen Magacyo Murtineed Badan Oo Aan La Aqoon Sida “Calaa’adiin,Sindibaadil Baxri,Shahrasaad Iyo Shahrayaadkii Boqorka Ahaa”.

Mudo Fog Oo Aan Taariikhda Ku Cadayn  Ayay Sheekooyinkani Soo Baxeen
Ka Hor Intii Aan La Qorin Qarnigii 14aad,Waxa La Rumaysan Yahay In Sheekooyinkani Lagu Kordhiyay Kuwo Kaleeto Oo Qaarkood La Iska Garan Karo Inay Yihiin Sheeko Xariirooyinkii  Hore Ee Hindiya Qaarkoodna Bari Carab Laga Keenay,Dhulalka Ay Sheekoyinka Alfu Layla Wa Layl Ka Waramayaan Qaarkood Lama Yaqaano Qaarna Waa La Yaqaanaa  Waxaaba Ka Mida “Ciraaq,Suuriya Iyo Masar”.

Mugdi Badan Ayaa La Gashaa Lahaanshaha Sheekada  Iyo Dalka Lagu Curiyay  Waxaase Sida Saxda ah Loo Badiyaa  In Sheekooyinka Alfu Layla Wa Layla Ay Yihiin Sheekooyin Carbeed Sida Magacoodaba Ka Muuqata “Arabia Nights”.

Hindiya Iyo (Faaris) Iranta Maanta Iyadana Waa Soo Saadaliyaa.

Suugaan Yahano Taariikh Yahano Qoraayo Iyo Hido Baadhayaal Caan Ah Ayaa Tan Iyo Bilowgii Qarnigii 20aad Si Is Xig Xigta U Cadaynayay In Sheekooyinkani Ka Soo Jeedaan Magaalada Baqdaad Ee Wadanka Ciraaq  Qabsashadii Ciraaqna Waxaa La Qoray  Boqol  Buugaag Iyo Fikiro Isku Xidhaya Sheekooyinka Maanta Iyo Kuwii Alfu Layla Wa Layla.

2005 Waxaa Cirka Isku Shareertay Hees Muujinaysa Is Ahaanta Baqdaad  Iyo Kun Iyo Kowgaa Habeen
Fanaanada Reer Austarelia Ee “Tina Arena” (Je m'appelle Bagdad) Magacaygu waa Baqdaadi Ayay Heestu Ahayd Iyo Miyaa La I Laaway Shahrasaad .

Waxa Sheekooyinka Kun Habeen Iyo Habeen Ka Bilaabmayaan
Boqor Shahrayaar Ayaa Ka War Helay In Afadiisu Khiyaamaysay  Markaasuu Cadho Aawadeed Amar Ku Bixiyay In La Dilo Oo Waliba Qoorta Laga Jaro  Si Uu Dumar Oo Dhanba Uga Aarsado Waxa Uu Go’aan Ku Gaadhay Inuu Habeen Walba Gabadh Guursado Subaxana Uu Qoorta Hor dhigo.

Waxaa Shaac Dugsaday Habeen Ka Duwan Habeenadii Kale Markii Uu Dalbaday Gabadh Uu Caawa La Caweeyo Ayaa Nimankii U Xil Saarnaa Hawshaasi  Boqorkii  U Sheegeen Inayna Wax Gabadhi Magaaladii Ku Hadhin
Dhabanada Ayuu Qabsaday! Tolow Muxuu Ka Fikirayaa? Ma Wuxuu Moodayaa In Go’aankiisii Dumar Layntu Halkaas Ku Idlaaday Mise Maahee Waxa Uu Ka Murugaysanyahay  Inaanu Helay Gabadh Danbe Oo Uu Guursado.

Waxa Boqorkii Si Hoos Ah Loogu Sheegay In Wasiir Ka Tirsan Boqortooyadu Leeyahay Gabadh Gashaanti Ah Oo Qurux Badan Lana Yidhaah Shahrasaad
Boqorkii Ayaa Yidhi Hal Haleeel Ha La Iigu Keeno  Ayuu Ku Amray Adeegayaashiisii. Warsan Iyo Gudoon Ayay Jawaabtoodu Ahayd.

Gabadhii Markii Ay Ka War Heshay In Boqorkii Guursanayo Ayay Damacday Inay Ku Dhaqaaqdo Wadadii Ay Kaga Badbaadi Lahayd Seefta Boqorka
Waxa Ay Walaasheed Oo Ka Yarayd Ka CodsatayInay Ugu Timaado Guriga Boqorka Kana Codsato Iyada Inay Sheeko Wanaagsan Uga Sheekayso Habeenka Nolosheeda U Danbaysa
Gabadhii Habeenkii Way Timid Gurigii Waxayna Ka Codsatay Sheeko
Shahrasaad Way Maskax Badnayd Sheeko Macaan Ayay Bilowday Ilaa Boqorkii Uu Jeclaysto Sheekadii gabadhii waxay ku joojisay meel macaan oo kala-dhac dhiman yahay oo ay tahay qofku inuu ogaado meesha wax ku danbeeyaan.

“Haye” ayay gabadhii yarayd iyo boqorkii isku mar yiraahdeen iyagoo doonaya in sheekada hoobiskeeda lasoo gunaanado laakiinse Boqoradii waxay tiri, “Sheekadu halkaas ha joogto, waxaan dhamaystirayaa beri subax”.

Boqorkii Ayay Ka Codsatay Inuuna Dilin Ilaa Ay Sheekada Ka Dhamaystirto.
Boqorkii isagoo samal-haadsan ayuu ogolaaday in dib loo dhigo
deldelida gabadhii uu xalay aroosay oo ay ahayd inaan libidhadu u soo bixin subaxaas.

Waxaa la yiri gabadha boqorku guursday waxay sheekooyinkaas xiriirka ah subax kasta tirinaysay ilaa iyo kun habbeen.
Heesta “Tina Arena” (Je m'appelle Bagdad)

Abdikadir Diidii Boorama

Comments

Post a Comment