Waa Maxay Sabbabta Ugu Wayn Ee Loo Magacaabi Waayay Proff Axmed Ismaacii Samatar Oo Kulmiye Ka Tirsanaa

HARGEYSA- Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa Golahii wasiiradda ka reebay Pro Axmed Ismaaciil Samatar ka dib markii khilaaf xoogani soo kala dhex galay khilaafkan ayaa ah in Axmed ismaaciil samtar oo ahaa kaambaynar xoogan wakhtigii ololaha uu Madaxwayne Muuse Biixi u soo bandhigay in uu noqdo wasiirka Qorshaynta.

Sawirka Proff Samatar


 balse uu taas saluugay ka dibna uu sheegay in aanu booskaasi doonayn waxaanu uu Muuse waydiiyay halka uu doonayo waxaanu u sheegay in uu doonayo Arrimaha dibadda balse Madaxwayne Muuse ayaa u sheegay in halkaasi uu u daynayo Wasiir Sacad Cali Shire taas badalkeedana sheegto meel kale.
Halkaasi markii ay xaajo marayso ayaa Axmed Ismaaciil Samtar sheegay in Wasaaradda maaliyada loo dhiibo waxaana Muuse mar kale u sheegay in booskaasi culus yahay oo reeraha kale loo dhiibayo mar haddii madaxwayne ku xigeenka ay isku reer yihiin,

Markii laga horjoogsaday booskaasi wasaaradda maaliyada ayaa uu Axmed u sheegay Madaxwaynaha in aan xukumaddiisa xil ka qabanyay mar haddii meelahii uu doonayay laga hor istaagay.

Wali ma cada halka uu ku dambayn doono khilaafka labadan masuul

Xigasho All Somaliland 

Comments