TAN OO KALE LAMA ARAG

TANOO KALE LAMA ARAG:-

Waxay soo dhigtay hambalyo meher (Post) oo ay u diraysay inaadeerteed rumaad oo maalin ka dib uu meherkeedu qabsoomayo, labba sawir oo 'Coming Soon' ku dul qorantahayna wey soo raacisay, ducana wey ugu sii dartay. Waxa ay sugtaaba waa asaxaabteeda oo hambalyada halkaa ka sii wada. Cabaarro yar ka dib waa kan arkay wadaad yar oo ay halka 'Comments' ka heshiis ay ku ahaayeen, waaka isla markiiba 'Like' ta la boobay, khaanadii Commentigana waaka ku dul dhufsadey si uu hambalyo fiican u qoro, waaka isagoo ALLE kuwii isku waaro haka yeelo qor leh, waaka markuu ALLE qorayba sii raaciyey 'naxariistiisa janno haka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeena samir iyo iimaan haka siiyo' Aamiina waaka sii raaciyey. Wadaadka dhibaato kale may haysane uu yara baxsanaa, ayaamahan danbana Tacsidaa ku badnayd. Waatan yar kale oo ay inanta hambalyada diraysay ay saaxiibo ahaayeen ka soo daba gashay, dadkeenu waa imtixaanoo ilaa ay Comments ga hore akhristaan kooda maba qoraan, waata markay aragtay wadaadkan tacsiyadeynaya iyadna sii tidhi, waan ka xumahay meherkoodaaba Coming Soon ahaaye mar hadey geeri ku timid waa xaqe ALLE ha u naxariisto. Tacsidii waata hadh beeshay. Inantii hambalyada diraysay waata soo gashay face keedii, iyadoo leh aad u 'Reply' gareysid asaxaabtaadan hambalyada kaa soo giijisay mise meeshiiba way laaqan tahay oo tacsibaaba loo fadhiyo
waa wax lala yaabo xaqiiqdii

dulucda sheekada (coming up married cermoniga ayaa noqday mid ka batay ka xaadirka ah ee dhacay)

fiiro gaar ah ka tigtoonow coming soon ILAAHAY ayaa og wixii dhici doonee.

QALINKA :

               Abdiqadir Mohamed

               ABDIQAADIR EL DIIDII

Comments