hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo Carafo taagan

al milyan iyo bar Muslimiin ah oo Carafo taagan
Hal milyan iyo bar Muslimiin ah oo dunida dacaladeeda isaga kala yimid ayaa isu diyaarinaya mid ka mid ah qaybaha ugu muhiimsan acmaasha Xajka ee ka socota dalka Sacuudi Carabiya.
Waxay isugu tageen Buurta Carafo oo ku taala galbeedka Sacuudi Carabiya, halkaas oo uu khudbadiisii u dambeeyay ka jeediyay Nabi Muxamed Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa ha ahaatee.
Xujayda ayaa maanta halkaas ku cibaadaysan doona.
Sanadkii hore isbuurasho ka dhacday Mina ayay ku dhinteen in kabadan labo kun oo ruux, intooda badana Iiraaniyiin ayay ahaayeen.
Iiraan ayaan sanadkan dad u soo dirin acmaasha Xajka. Waxayna ku dhawaaqeen kulan kale oo maalinta Sabtida ah lagu qabto magaalada ay Shiicadu barakaystaan ee Karbala oo dalka Ciraaq ku taala.

Comments