Dadka
Soomaalida ah waxa loo ballanqaaday in sannadka 2016 ay dhici doonaan
doorashooyinkii ugu horreeyay ee dimuqraadi ah muddo 50 sannadood ah, laakiin
runtu waxay tahay in arrintu aad u sii cakirantay.
Bilowgii
sannadkii 2012 markii ugu dambayntii ay dhamaatay siyaasadii ku meelgaarka
ahayd, ayaa dowladd cusub ee federaalka Soomaaliya waxay ku dhawaaqday in dalka
colaaduhu ragaadiyeen ay ka qaban doonto doorasho qof waliba codkiisa dhiiban
doono sannadka 2016.
Taasi waxay ka
dhignayd in ay noqon doonto doorashadii u horraysay ee dimuqraadi ah ee ku
dhawaad 50 sannadood la qabto. Tii ugu dambaysay ee dalka ka dhacdaa waxay
qabsoontay 1969 oo 64 xisbi ka qayb qaateen. Ka dib waxa dhacay afgambi iyo
sannado badan oo keli talisnimo ah waxaana ka dhashay dagaallo sokeeyo oo
sannado badan socday. Dalkii wuxu u gacan galay maleeshiyo beeleedyo, kooxo
budhcad badeed ah iyo Islaamiyiin xagjir ah.
Qorshe
cusub
Laakiin 2016
waxa haatan la joogaa 2016 kii ballantii ahayd in doorasho la qabtaana way
baaqatay.
In kasta oo ay
jiraan hore u socod la sameeyay, hadana nabad-gelyo darro iyo qas siyaasadeed
oo is biirsaday iyo kaabeyaasha dhaqaala oo dunsan awgood ayaa kallifayay in
Soomaalidu ay muddo dheer sugaan inta ay gaarayaan goorta ay hogaamiyeyaashooda
codkooda ku dooran doonaan.
Waxa la keenay
qorshe kakan oo la yaab leh oo lagu dooranayo golaha cusub ee sharci dejinta oo
uu ka mid yahay aqalka sare oo markii ugu horraysay dalku yeelanayo,
gudoomiyaha baarlamanka iyo madaxweynaha cusub.
"Habkan
doorashadu waa nooc ku cusub dunida, waa mid laga fursan waayay oo ah hanaan
siyaasadeed oo gacan ka gaysanaya in la gaaro marxaladda loo socdo" ayuu
yiri ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Micheal Keating,
oo qudhiisu door muhiim ah ku leh hannaankan. "Waa hab kakan laakiin se
keeni kara in meel dhexe la iskugu yimaad" ayuu intaa ku daray.
Sida lagu
yaqaanno siyaasadda Soomaaliya, jidka la doonayo in lagu gaaro wax la isku wada
raacsanyahay waa mid dheer oo dhib badan isla markaana ay ka buuxaan caqabado
adag. Ma jirto xataa dad isku raacsan macnaha iyo magacii uu yeelan lahaa
hanaankan cusub.
Dadka ka qayb
qaadanaya ayaa qudhoodu tilmaamo kala duwan u adeegsada oo ay ka mid yihiin
"doorasho dadban", "habka xulidda", "doorasho
xaddidan", "hab doorasho la mood ah" iyo "hanaan
siyaasadeed oo leh hab doorasho".
Is maandhaafka
badan ee jira macnihiisu waxa weeyi uun in "xaraash" malaayiin doolar
lagu kala iibsanayo codadku dhici doono. Fahamka hanaankan wuxuu u baahan yahay
in sida xisaabta qaybsigu u socoto la fahmo.
Jadwalkii
u dambeeyay ee dooraashada
§ 135 hogaamiye
beeleed ayaa soo xuli doona 14,025 ergay oo isu qaybinaya 275 urur-doorasho oo
midkiiba ka koobanyahay 51 xubnood.
§ Ugu yaraan 16
xubnood oo ka tirsan urur-doorasho kastaa waa in ay noqdaan haween iyo 10
dhalinyara.
§ Ergada
urur-doorasho kastaa waxay metelayaan jilib hoose.
§ 23 Oktoobar -
10 Noofembar:
Urur-doorasho kasta oo ka mid ah 275 ururu-doorasho wuxu u codayn doonaa xubin
ka mid noqonaysa aqalka hoosee baarlamanka. Kuraasta waxa lagu qaybiyay habka
awood qaybsiga ee "4.5" afar iyo barka taas oo ah in afarta beelood
ee waawayn ay helayaan saami is leeg halka ay beesha shanaad ee laga tiarada
badan yahay helayso tirada ay kuwa waawayni qaateen badrkeed.
§ Marka la
gaadho 5 Okoobar: Dowlad goboleedyada cusub ee federaalka
Soomaaliya waxay soo xuli doonaan 54 ka xubnood ee aqalka sare.
§ 23 Oktoobar:
Gudoomiyeyaasha labada aqal ee baarlamaanka ayaa la dooranayaa.
§ 30 Noofembar: Xubanaha
labada aqal ayaa dooranaya gudoomiye iyo madaxweyne.
Xigasho:
Qaramada Midoobay
Hanaankani
wuu ka duwan yahay kii hore
Qaramada
Midoobay, deeq bixiyeyaasha dibadda iyo Soomaali badan oo ka qayb qaadanay
hanaankan ayaa sheegaya in habkani ka duwanaan doono kii 2012-kii. Waxay ku
celceliyaan in markan ay dadkii hanaankii hore ka qayb galay boqol laabkood ay
haatan soo dooran doonaan hogaamiyeyaasha cusub. Sidaas oo ay tahay tirada
dadka wax soo xulayaa way yartahay.
Sannadkii 2012
kii 135 hogaamiye beeleed ayaa doortay xildhibaannadii doortay madaxweynaha.
Haatan 14,025 qof ayaa dooran doona xildhibaannada, tiradaasi waa in ka yar
0.2% tirada dadka Soomaaliya. 14,025 qofna waxa soo xulay 135 hogaamiye
beeleed.
Sidoo kale
waxa jira farqi kale.
2012 kii cod
bixintu waxay ka dhacday caasimadda Muqdisho, dhacdadaas oo xiligaa ahayd wax
aan hore u dhicin maadama doorashooyinkii hore lagu qaban jiray dalka dibadiisa
nabad gelyo darrada wayn ee ka jirta Soomaaliya awgeed.
Haatan
urur-doorasheedyadu waxay ku codayn doonaan xarumaha gobollada iyo Muqdisho ba.
Sidoo kale waxa jira qoondo aan la dhaafi karin oo loo gooyay haweenka iyo
dhalinyarada ka qayb qaadanaya habkan xulidda, in kasta oo aanay caddayn in
sidoo kale tiradan loogu talo galay ay haweenka iyo dhalin yaradu ka heli
doonaan baarlamaanka.
Waxa kaloo
jirta in kooxda Islaamiyiinta ah ee Al-Shabaab ay khatar ku yihiin dadka ka
qayb qaadanaya sidoo kalana ay weerarro joogto ah ku qaadaan Muqdisho iyo meelo
kale oo dalka ka mid ah. Waana sababta dhalisa in la is weydiiyo sababta ay
dadku iyadoo khatartaasi jirto ay qaarkood u doonayaan in ay xildhibaano ka
noqdaan Soomaaliya.
Soomaaliya waa
meesha ugu khatarta badan dunida ee siyaasi laga noqdo. Afartii sannadood ee la
soo dhaafay oo keli ah 18 xildhibaan ayaa la dilay. Qaarkood waxaa dilay
Al-Shabaab kuwo kalena waxa loo dilay aano qabiil
Comments
Post a Comment