Habeen Qura Kuma Seexan In Itoobiya Sidan Ay U Bur-Bureyso Iska Daa Bilo Gudaheede.Sidaas Waxaa Yiri Mid ka mid ah Saraakiisha Tigray Ee Xukunkoodu Uu Daadku Sii Qaadayo Iyadoo Daba Dhilif Cabdi Illey Keliya Uu Taageero U Muujiyey. ( Fadlan Walaal Akhri Warbixin Arimahaas Ka Hadleysa.)
============================================================
Taliska Tigray ee daadku la sii tagayo ilaa hadda waxaa u fara godey laantii ugu jilicsaneyd ee uu abad maciin bido talis sii burburaya, ka dib markii banaanbax ay soo abaabuleen maamulka Jigjiga ee uu hor boodayo Daba dhilif Cabdi Iley taageero loogu muujiyay Tigray-ga maamula Itoobiyada gabalkeedii uu sii dhacayo.
Marka laga reebo Saraakiisha Liyuu Boliiska iyo madaxda maamulka sida sharci darrada ah uu uga dhistay gumeysiga madow ee Itoobiya dhulka Soomaaliyeed ee wali la gumeysto (Ogaadeeniya) ka jira ee aadka loo neceb yahay, dadku maba ogeyn wax badan oo dalka Itoobiya ka jira.
Dibadbixii, waxa uuba u noqday bidhbidhiso.
Wax badan ayuu taray isu soo bixii; dadkii Soomaaliyeed ee looga dhaartay in ay wax ka ogadaan iska daa dunida kalee, waxa ka jira isla Itoobiya— dhagaha ayaa u taagan—waxa ayna u dhowdahay in uu bixiso u noqdo oo ay isu diyaariyaan wakhtiga kala guurka ah.
Waxa ay isku raaceen khuburada ka faaloota is bad-badalka siyaasadeed ee dalka Itoobiya in gadoodka Oromada iyo Axmaaradu halis aad u weyn ku yahay sii jiritaanka Taliska Tigray-ga ee talada soo hayay tan iyo 1991-kii, haddii ayna la iman is badal dhanka siyaasada oo la taaban karo, haseyeeshee, taas badalkeed waxa uu isticmaalay gacan bir ah oo dhiig badan ku daatay.
Cabsida ugu weyn ee saraakiisha dalka Itoobiya ayaa aheyd in labada qowmiyadood ee ugu balaaran dalkaas kuwa u dooda xuquuqdooda ay ku guuleystaan in ay abaabulaan, isla markaasna kiciyaan dadka reer miyiga ee garna galin garna ka bixin, gaar ahaan beeraleyda Axmaarada ee oodwadaagta leeyihiin Tigray, taas oo cabsidii ay horay u qabeen ay ku waabariisatay indhahooda oo shan ah.
Waxa ay la yaaban yihiin kaadirka Jabhadda Xoreynta dadka Tigray ee loo soo gaabiyo TPLF, sida lama filaanka ah ee uu wax isu badalay. Mid ka mid ah Saraakiisha Tigray ayaa yiri, "Habeen qura kuma seexan in Itoobiya ay sidan u bur bureyso iyo weliba xaalku inuu faraha ka bixi doono iska daa bilo gudaheede, sanado badan oo iman lahaa."
Hase'ahaatee, banaanbaxa sanadkii labaad ka socda dalka Itoobiya ayaa u eg mid sii xoogeysanaya, isla markaasna cirka isku sii shareeraya.
Wax walba sabab ayuu ku yimaadaa, Dowlada Mareykanku waxa ay sheegtay in 73 % dadka Itoobiya ay yihiin dhalin da'doodu ka hooseyso 30 sano jir." Badankood dhalinta marka laga reebo wax yar, waxa ay yihiin dad aan fursad u helin shaqo ay helaan. Halka, dhalinta Tigray-gu ay yihiin kuwa kaliya ee bangiyada Dunida loo dhigay lacag nooc kasta oo ay tahay ba; gabdhahooda iyo dumarkoodiina ay u xireen dahab, qalin iyo noocyo ama cayman la aqoon oo ay sudhaan dhagaha, jimaha iyo laabta.
In kasta oo dibadbaxyadu ay ku bilowdeen kala tabasho dhul; haseyeeshe, waxa soo if baxay dhibaatooyin badan oo ay tabanayeen dadka ku jira jeelka loo yaqaan Itoobiya, kuwaas oo silsiladihii goostay markii ay cabsidii ay ka qabeen xoogaga ammaanka ka baxday. Dhanka kale, Ciidanka Itoobiya ayaa marar badan amardiido sameeyay, ka dib markii lagu amray in gacan bir ah ay ku qabtaan dadka dibadbaxa dhigaya, gaar ahaan kuwa Oromada iyo Axmaarada.
Dhibka kale ee ay leedahay Keli talisnimadu ayaa ah in Itoobiya ay weyday dadkii muhiimka u ahaa jiritaankeeda, sida jilayaal caan ahaa, fanaaniintoodii, orodyahankoodii iyo waliba diblomaasiyiintoodii oo magangalyo ka raadsaday dalalka kale isagana cararey dalkoodii Itoobiya.
Dhammaan waxaas oo dhan, waxa ay ishaaro u tahay khatar ku sii fideysa dalkaas, taas oo dalka Itoobiya oo 15 ka mid ah qowmiyadaha la isu geegeeyay uu mid walba rabo in uu fursada xigta ee ku haboon in uu kaga go'i karo dalka intiisa kale la gaado oo ay sidaas ku noqoto Itoobiya, sida dalkii la oran jirey Yuguslavia. Waaba haddii uu dagaal dhiig badan ku daato ka badbaado oo si fudud la isugu faataxeeyo oo loo kala tago.
Dilka, caburinta, xaqiraada iyo adoonsiga lagu hayay gu'yaal badan qowmiyado midkiiba la fac yahay Soomaalida ayaa hadda u muuqda mid qolo walba la gaadayso fursadaas ugu haboon ee ay kaga roori karto cadaabta loo yaqaano Itoobiya ama haddii aan si kale u dhigno afka Giriiga lagu yiraahdo dadkii wajiga gubnaa.
Si kasta ba ha ahaatee, waxaa isku soo hagaagay Itoobiya oo tabcaan ah iyo bulsho weynta Soomaaliyeed oo baraarugsan, balse hogaankooda siyaasadeed kalsooni badan ku qabin in kasta oo ay hay'ado qaab dowli ah u eg ay jiraan.
Qalinkii: Qoraa sare Ahmed Abdi.

Comments
Post a Comment