IS Oo Weyday 1/4 Dhulkii Ay Haysan Jirtay


Kooxda la magac baxday dawladda Islaamiga ama IS ayaa weyday in ka badan afar meelood oo meel dhulkii ay gacanta ku hayn jirtay, sida ay sheegayso xog cusub.
Hay'adda falanqaysa arrimaha amaanka iyo gaashaandhigga ee IHS ayaa sheegaysa in gacan ku haynta dhulka kooxda ay hoos u dhacday 28% tan iyo Janaayo 2015.
Sagaalkii sano ee ugu horreeyey sannadkan ayaa dhulka ay kooxdu haysan jirtay oo ahaa 78,000 oo KM oo isku wareeg ah wuxuu hoos ugu soo dhacay 65,000 oo KM oo isku wareeg ah, baaxadaas oo lagu qiyaasay inay le'eg tahay dhulka uu ku fadhiyo dalka Srilanka, hase yeeshee xawligaas ayaa yara hakaday seddexdii bilood ee ka horreeyay Oktoobar.
Arrintaas ayaa ku soo beegantay ayadoo Ruushku uu yareeyey tiradii duqaymaha cirka ee uu la beegsanayey bartilmaameedyada IS, sida ay sheegayso hay'adda IHS.
Meelaha ka baxay gacanta IS waxaa ka mid ah magaalada Manbij ee Suuriya iyo waddooyinka u dhow oo dhan, ayadoo dhinaca xudduudda Turkigana laga soo riixay ilaa 10 KM.
Dagaalka la filayo in xoogagga Ciraaqiyiinta ay ku qaadaan magaalada Mosul dabayaaqada bishan ayaa haddii lagu guulaysto waxay khubaradu u arkaan inuu dhirbaaxo weyn ku noqonayo kooxda.

Comments