Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhamadu Buhari oo ka jawaabayay dhaleecayn ka timid xaaskiisa ayaa yiri ''Xaaskeyga waa inay ku ekaato howlaha jikada''.


Isagoo booqasho ku jooga dalka Jarmalka ayaa waxa uu yiri, ''Ma garanayo xisbiga ay xaaskeyga ka tirsan tahay balse waxaan ogahay inay ka tirsan tahay jikadeyda, fadhigeyga iyo qolkeyga kale".
Isagoo dhoola-caddaynaya ayaa waxa uu hadalkiisa sii raaciyay inuu xaaskiisa iyo mucaraadkaba ka khibrad badan yahay maadama uu u soo tartmay madaxtinnimada dalka seddax jeer markii afaraadna uu guuleystay.
Wuxuu ka barbar hadlayay haweeneyda malaha ugu awooda badan dunida ahna hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel. Waxaa la sheegay inay jaleecday dhiniciisa markii uu hadalkaasi ku dhawaaqayay.
Xaaska Madaxweyne Buhari ayaa horay u sheegtay inaysan taageri doonin saygeyda mar dambe haddii uu isbadal ku samayn waayo dowladiisa.
Marwo Caasha ayaa intaasi raacisay kaliya inay taageeri doonto madaxweyne Buhari haddii uu isbadal muuqda ka sameeyo dalka Nigeria.
Caasha Buhari ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC.
Caasho Buhari ayaa u sheegtay saygeeda inay tahay inuu wax ka dhagaysto taagerayaashiisii soo garab istaagay xiligii lagu jiray olalaha doorashada.
Weriye ku sugan Abuja ayaa sheegaya in xaaska Madaxweynaha Nigeria ayaa u muuqato inay u hadleysay dad taageersan madaxweyne Muxamadu Buhari oo filayay in xilal loo magacaabi doono ka dib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin.
.
Wareysi Warbahinta Hausa ayay ku sheegtay in dowlada saygeeda ay afduubeen shakhsiyaad gaar ah oo galaangal ku yeeshay magacaabista uu xafiiska madaxweynuhu sameeyo.
Waxa ay sheegtay in madaxweynaha uusan aqoon masuuliyiinta uu magacaabay. ''Madaxweynaha ma garanayo 45 ka mid ah 50-ka qof ee uu magacabaay aniga xitaa oo xaaskiisa ahaa 27 kii sano ee la soo dhaafay ma garanayo dadkaasi", sidaasi ayay u shegetay Warbaahinta

Caasha Buhari ayaa saygeyda si xoogan ugu soo ololeysay doorashadii sanadkii la soo dhaafay ka dhacday dalka Nigeria.
Balse lama maqal amaba lama arag iyadoo ka hadleyso arrimaha siyaasadda tan iyo markii uu ninkeeda xukunka la wareegay. Waxayna taasi badalkeeda xoogga saartay kobcinta dumarka iyo kaalmeynta dhibanayaasha colaadda Boko Xaraam.
Taasina waa mid ka mid ah sababaha uu wareysigan ay BBC-da siisay u nqoday mid ay dad badan la yaabeen.
Arrintani waxay culeys ku noqon doontaa sumcadda madaxweyne Buhari.


Comments