Maxaa keenay in Maraykanku duqeeyo Galmudug?
Wararkii u horeeyey ee ka soo baxa dhacdadaas ayaa ahaa in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay hawlgal ka fuliyeen bariga gobolka Mudug meel Gaalkacyo ku dhaw halkaas oo ay isku urursadeen koox ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo qorsheynayey in ay weerar ku qaadaan ciidanka Puntland ee saldhiga kuleh Airporka Cabdullahi Yusuf ee Gaalkacyo.
Galmudug ayaa sheegtey subaxii Arbacada in la weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug, oo loo adeegsadey duqeyn diyaaradeed, taas oo meesha ka saartey in hawlgalka ay fuluyeen ciidamo Soomaali ah oo keliya.
Maraykanka ayaa sheegtey in ay hawlgalkaas fuliyeen, isla markaana uu ka dhan ahaa Argagixisada weliba uu ahaa mid is-difaacid ah sida loo dhigey War ka soo baxay Xafiiska Milteriga Maraykanka ee Afrika qaabilsan (Afrika Command).
“…On September 28, in coordination with the Federal Government of Somalia, U.S. forces conducted a self-defense strike against al-Shabaab, an al-Qaeda-associated terrorist group, in Galcayo, Somalia…”
Sidee wax u dhaceen?
Si loo fahmo duqeynta Maraykanku ka geystey duleedka Gaalkacyo, waxaa muhim ah in dib loogu noqdo hawlgaladii magaalada ka socdey bishii Agoosto iyo weerar aargudashada ahaa ee al-Shabaab ay la beegsadeen dadkii ku sugnaa Suuqa Dayax ee Magaalada Gaalkacyo, kadib markii la qabtey saraakiil sare oo ka tirsanaa al-Shabaab.
Bartamihii bishii Agoosto, 2016 waxaa garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yusuf magaalada Gaalkacyo ka soo degey ciidan ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo ay taageerto Dowladda Maraykanka kuwaas oo loo yaqaan DANAB, imaanshaha ciidankan ayaa ujeedkiisu ahaa xoojinta saldhiga garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo kaas oo hoostaga maamulka Puntland ayna degan yihiin ciidanka PSF oo ay taageerto Dowladda Maraykanku, sidoo kale ujeedka ayaa ahaa in ay fududaato hawlgalada Gaalkacyo laga fulinaayo ee lagu baadigoobayo shabakado ka tirsan al-Shabaab oo khatar ku ahaa amniga Puntland. Maadaama magaalada Gaalkacyo ay tahay mid xasaasiyad badan. Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya ayaa imaanshaha ciidanka DANAB ee Gaalkacyo ku sheegay in ay la wareegayaan, Garoonka diyaaradaha taas oo noqotey mid been-abuur ah, oo ku kaliftey in saraakiisha ciidanku ka hadlaan ujeedkooda.
Laba askeri oo ka kala tirsan Danab iyo PSF oo baaraya guri al-Shabaab ka deganaayeen Gaalkacyo
Laba askeri oo ka kala tirsan Danab iyo PSF oo baaraya guri al-Shabaab ka deganaayeen Gaalkacyo
Saciid Cabdullaahi Abuukar - AL-SUUDAANI
Saciid Cabdullaahi Abuukar – AL-SUUDAANI
Hawlgalo ciidanka PSF iyo Danab ay wadajir u fuliyeen ayaa lagu soo qabtey xubno badan oo ka tirsan al-Shabaab, waxaa loo dhacay guryihii ay ku samayn jireen Bom-ka iyo waxyaabaha qarxa, waxaa la qabtey sarkaal u dhashey dalka Suudaan oo ka tirsanaa al-Shabaab, dhanka xaafadda Galmudug ka degan tahay Gaalkacyo waxaa ciidamadu ka sameeyeen hawlgal wadajir ah oo ay ku doonayeen in lagu soo qabto Nuur Deeq Maalinguur oo la sheegay in uu ahaa madaxa isku xira shabakaddan oo dhan, Nuur Deeq ayaa baxsadey, waxaana la qabtey Aabihii dhalay iyo gaarigiisi oo muraayadaha hore uga dhegan yahay Sawirka Madaxweynaha Galmudug. Hawlgalada oo sii socdey ayaa lagu qabtey dad ku dhaw 100 qof, waxaana la geeyey dhanka Puntland.
Gaariga Nuur Deeq ee galay gacanta ciidanka amniga
Gaariga Nuur Deeq ee galay gacanta ciidanka amniga
Ciidanka DANAB waxay dib ugu noqdeen magaalada Muqdisho oo markii hore laga keenay, dhamaadkii bishii Agoosto, 2016.
Arrimahan waxay ka caraysiiyeen masuuliyiin iyo oday dhaqameedyo ka tirsan Galmudug, waxaana ay sheegeen in aysan sii socon doonin oo ay ka hor imaanayaan, waxaana qaarkamid ah hadalkoodi u dhigeen in Maraykanku xasuusto wixii Muqdisho ka raacey 1993 oo aan taariikhda dib loo soo celin iyada oo tusaale u soo qaatey Black Hawk lagu soo ridey Muqdisho.
Maraykanku yuu duqeeyey?
Dowaldda Maraykanka waa dalka caalamka ugu awoodda badan, isla amrkaana ugu hormarsan dhanka sirdoonka iyo Tiknoolajiyadda, arrimaha Soomaaliya iyo khilaafaadka qabaa’ilka Soomaalida si wanaagsan ayey ula socotaa haddiiba aysan qayb ka ahayn, waxaana ay u samaysteen wax loo yaqaan fact Books, lama dhihi karo Maraykan ayaa maanta sida Lax baadi ah la qaldey!, waxa ay samaynayaan waa ogyihiin.
La taliyaasha Maraykanka ka jooga Soomaaliya sidee u arkaan ciidanka Galmudug?
Maraykanku waxa uu ka aaminsan yahay ciidamaa Galmudug kuwo aan la isku haleyn karin, kuwaas oo isugu jira Burcadbadeed dhawaan lagu qarameeyey Hobyo, kooxo xiriir la leh Al-Shabaab, iyo Maleeshiyo beeleedyo kala geddisan, sida aan ka soo xiganey saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya.
Tusaale: Haddii la qabto sarkaal sare oo ka tirsan al-Shabaab laakiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Galmudug, in aan Puntland sinaba u hayn karin, waxaana si bareer ah u difaacaya Galmudug. Nuur Deeq Maalinguur waxaa u doodey Galmudug kadib markii uu baxsadey waxaana ay dalabdeen in aabihiis si deg-deg ah lagu soo daayo. Cabdirisaaq Tahliil Caloolgeel oo Puntland qabatey sanadkii 2013 isaga oo bom rakibaaya kadibna la xirey oo dil lagu xukumey, waxaa beesha uu ka dhashey ay dartiis u afduubteen muwaadiniin reer Puntland ah taas oo ehelka dadkaasi ay ku khasbeen maamulka Puntland in ay sii daayaan Tahliil, kadibna waxa uu siiwatey hawlihiisi al-Shabaab ilaa lagu diley.
Rasaaseynta Airporka Gaalkacyo
Saldhigga garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ay ku sugan yihiin la-taliyaal iyo tababarayaal Maraykan ah waxaa meel aan ka fogeyn yimid maalmo ka hor ciidamo wata tikniko. Maalmo kahor waxa ay khatar geliyeen diyaarad xamuul oo u degeysey ciidanka saldhiga garoonka Gaalkacyo, waxaana ay ku rideen qoriga ZUU ee lidka diyaaradaha, kaas oo aan haleelin diyaaradda. Ujeedka ciidankan ayaa lagu sheegay in uu ahaa labo arrimood:
In ay cabsi geliyaan ciidanka Maraykanka ee xerada ku sugan oo lagu khasbo in xerada la xiro, waxaana hadalkaas xoojin kara Xildhibaan Qalabxoor oo ka hadley isu soo bax ka dhacay Gaalkacyo oo looga soo horjeedey duqeynta maalintii Khamiistii oo uu sheegay in Saldhigga Garoonka diyaaraduha deg-deg loo xiro oo aanu ahayn mid sii furnaan kara. Ujeedka labaad Maraykankuna sheegay ayaa ahayd, kooxo al-Shabaab ah oo ku dhexjira ciidanka Galmudug, kuwaas oo doonaayey in ay xerada ku weeraraan gawaari bom lagu soo xeriey kadibna ay gudaheeda ka dagaalamaan.
Subaxnimadii Salaasada 27 Agoosto, 2016 ayaa Maleeshiyaadka soo degey duleedka koonfur-Bari ee garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo, waxay ka soo baxeen halkii ay markii hore degeen, waana ku soo dhawaadeen Saldhigga ku yaal Madaarka, waxaana gabbal gaabkii ay Saldhiga ku rideen rasaasta lidka diyaaradaha, xili ay halkaasi ka degeysay diyaarad siday Saraakiil Maraykan ah. Ciidanka PSF ayaa ugu jawaabey sidaas si lamid ah.
Isla habeenkaas Ciidamada Maraykanku waxay dalabdeen difaac iyo taakuleyn dhanka cirka ah, waxaana amar lagu siiyey in ay duqeeyaan maleeshiyaadka rasaasta kusoo ridey, taas oo la fuliyey habeenimadii Arbacada 28 Agoosto, 2016. Diyaaradaha Maraykanku waxay gubeen laba gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana isla goobtaas ku geeriyoodey Maleeshiyaad ka badan 10, kadib waxaa goobta galey ciidanka lugta waxay soo kaxaysteen gaarigii ZUU ee rasaasta looga soo ridey.
Maraykanku waxay sheegteen weerarka in ay fuliyeen oo uu ka dhan ahaa Argagixisada, waxaana sabab looga dhigey in uu ahaa mid is-difaacid ah, kadib markii muwaadiniinteeda / Saraakiisheeda khatar ay geliyeen waxaana ay sheegeen in ay rumeysan yihiin malayshiyaadkaas in ay ahaayeen al-Shabaab. Maraykanku waxa uu ballan qaadey in ay barayaan sheegashada Galmudug ee ah in ciidankooda la weeraray.
Maraykanka mala marin habaabiyey?
Galmudug eeda duqeynta waxay dusha ka saartey Maraykanka, waxay sheegeen in cidda duqeysey ay ahayd diyaaradaha Ameerika, kuwaas oo ay marin habaabiyeen maamulka Puntland oo ay sheegeen in ay cadaawad ka dhexayso sida ay hadalka u dhigeen kuwo u hadley Galmudug.
guuleed_safiirka
Safiir ku xigeenka Safiirka Maraykana ee Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabiley Guuleed, Muqdisho 28.09.2016
Duqeyntu markii ay dhacdey subaxnimadii Arbacada waxaa Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho looga yeeray Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, waxaa qaabiley safiir kuixgeenka Maraykana. Wararku waxay sheegayaan in Maraykanku tusey Madaxweynaha Galmudug sawiradii Setalaaytku qaadey ee Malayshiyaadka Galmudug sheegatey in ay ciidankooda ahaayeen iyo khatartii ay ku ahaayeen Maraykanka iyo shaqaalaha halkaas ka joogey.
Maraykanka oo haysta Tiknoolajiyadda casriga ah ayaa in badan isaga looga danbeeyo xogta iyo siraha Soomaaliya, sidoo kale Maraykanku waxaa la dhihi karaa waa waaqici xaaladda Soomaaliya si fiicana u fahamsan khilaafaadka iyo dhibaatada haysatada Soomaalida, marka waxaa la isweydiinayaa Maraykanku ma shalay ayey soo dhex galeen siyaasadda Soomaaliya, mase yahay mid ka qaadan kara warbixinada hal dhinac oo keliya?
Madaxweynaha Galmudug oo isla maalintii Arbacada dib ugu laabtey Cadaado, wax eedeyn ah uma jeedin Maraykanka, waxa uu sheegay in uu ka xun yahay waxa dhacay, maadaama caro badan ka taagneyd Galmudug, laakiin waxa uu eeda kula kufey Puntland oo uu sheegay in ay cadow ka dhigteen Galmudug.
Maamulada dalka ka jira oo dhan ayaan ka hadlin duqeyntii Maraykanku geystey, sidoo kale waxaan ka hadlin Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Qaar kamid ah golaha xukuumadda oo uu shir-guddoominaayey Raysalwasaare ku-xigeenka ayaa si toos ah u sheegay in Maraykanku duqeeyey ciidamo Soomaaliyeed, waxaana ay ka dalabdeen jawaab.
Galmudug waxay dalbatey Magdhaw iyo raali-gelin.
Khamiistii shalay oo ahayd 29ka September ayuu Xafiiska Militariga Maraykanka ee Afrika mar labaad ka hadlay eedeyntii uga timid Galmudug ee ahayd in dad shacab ah ay ku dhinteen duqeynta. Qoraalka kasoo baxay Maraykanka ayaa lagu sheegay inay eedeyntaasi baaritaan ku sameeyeen ayna ogaadeen inay been tahay wararkii Galmudug ee sheegayey in dad rayid ah lagu dilay duqeynta.
XIGASHO:horseed media

Comments

  1. Hello qof walba,

    Waa maxay baahida dhaqaale?
    Waxaan deyn in ugu yaraan US $ 1,000.00 ee la siiyo ugu badnaan US $ 10,000,000.00 duration raaxo laga bilaabo 1 ilaa 30 sano ee aad bixisid dulsaar aad u yar oo ah 3%.

    Waxaad u baahan tahay amaah ganacsi?
    Waxaad u baahan tahay deyn shaqsiyan ah?
    Waxaad doonaysaa in aad baabuur ku iibsado?
    Waxaad doonaysaa in aad refinance?
    Waxaad u baahan tahay amaahda hantida maguuraanka ah?

    Waxaad u baahan tahay magaalada weyn si ay u bilaabaan aad soo jeedinta ganacsi ama ballaarinta? Ma waxaad ka badiyay rajo iyo aad u malaynayso in jid uma jirto baxay, iyo culaysyada dhaqaale ee aad weli sii socoto?
    Fadlan ha ka waaban inaad nala soo xiriir si aan suurto gal iskaashi ganacsi

    Fadlan nala soo xiriir via email: ramzan_help@hotmail.com

    Mr. Ramzan

    ReplyDelete

  2. Are you a business man or woman? Are you in any financial mess or do you need funds to start up your own business? Do you need a loan to start a nice Small Scale and medium business? Do you have a low credit score and you are finding it hard to obtain capital loan from local banks and other financial institutes?.

    Our loans are well insured for maximum security is our priority, Our leading goal is to help you get the services you deserve, Our program is the quickest way to get what you need in a snap. Reduce your payments to ease the strain on your monthly expenses. Gain flexibility with which you can use for any purpose – from vacations, to education, to unique purchases

    We offer a wide range of financial services which includes: Business Planning, Commercial and Development Finance, Properties and Mortgages, Debt Consolidation Loans, Business Loans, Private loans, Home Refinancing Loans with low interest rate at 4.00% per annul for individuals, companies and corporate bodies. Get the best for your family and own your dream home as well with our General Loan scheme.

    WE OFFER ALL KIND OF LOANS - APPLY FOR AFFORDABLE LOANS.

    Please, contact us for more information: davis_credit100@yahoo.com
    Kindly write us back with the loan information;
    - Complete Name:
    - Loan amount needed...$, €, £:
    - Loan Duration:
    - Purpose of loan:
    - City / Country:
    - Telephone:
    - Name of the Site:

    If you are interested to get a loan then kindly write us with the loan requirement.
    Please, contact us for more information: davis_credit100@yahoo.com

    Yours Sincerely,
    Mrs. Wanda Davis
    davis_credit100@yahoo.com
    We look forward to hear from you ASAP

    Interested applicants should Contact us via email: davis_credit100@yahoo.com

    ReplyDelete
  3. hello how are you doing ??
    This is to inform the public that Ms. mercy, personal loan lenders financial opportunity for those who need financial assistance. We provide loan interest rate by 3% for individuals, businesses and corporations in accordance with the terms that are clear and easy to

    understand. contact us today via email: lee944418@gmail.com

    ReplyDelete

Post a Comment