Qarax dad ku dilay Turkiga


Ugu yaraan 17 qof, oo ay ku jiraan sagaal askari ayaa ku dhintay Turkiga, ka dib markii gaari waxyaabo qarxa ay saarnaayeen uu ku qarxay goob milaterigu ku leeyihiin koofurta bari ee waddanka.
27 kale oo isugu jira askar iyo dad rayid ah ayaa qaraxa ku dhaawacmay, kaasoo lagu eedeeyey inay ka dambeeyeen mintidiinta Kurdiyiinta ee PKK.
Weerarka ayaa ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee u dhow xudduudda Ciraaq iyo Iiraan. Mintidiinta PKK ayaa deegaankaas muddo dheer ka hawl galayey.
Qalalaasaha ayaa gaaray heer aan hore loo arag muddo sanooyin ah, tan iyo markii ay xabbad joojintu burburtay sannadkii hore.

Comments