"Waxaan
ka sameeyaa abuuris iyo falid beerta" ayay tiri iyadoo dambiisheeda
qudaarta ku shubaysa jawaan uu hayo walaalkeeda oo la shaqaynayo, waa shaqo la
mid ah midaan ka qaban jirnay magaaladeena Homs" ayay tiri.
Qaxootiga
ayaa waqti dheer ka shaqaynayay si sharci daro ah beeraha Jordan, laakiin waxay
qatar ugu jireen in loo masaafuriyo Suuriya haddii la qabto iyagoo shaqaynayo.
Hadda
waxay heli karaan ogolaasho shaqo oo lacag aysan dhiibayn.
"
Waan dareemaynaa farqiga" ayuu dhahay Maxamed." Markii hore kama
shaqayn karin banaanka si fudud, mar walba boliiska ayaan ka dhuuman jirnay,
ogolaashada shaqada aad ayay u fiican tahay."
In
ka badan 650,000 qaxooti reer Suuriya ah ayaa ka diiwaan gashan Urdun (Jordan).
Laakiin dowladda ayaa u ogolayd oo kaliya inay shaqeeyan dhowr kun oo kaliya.
Waxay
dowladda ka walwal sanayd inay hoos u dhigto mishaarka, inay shaqooyinka ka
qaataan dadka reer Urdun iyo inay dhiiri galiso inay waddanka sii joogaan, oo
nacayb loo qaado.
Hadda
dowladda ayaa doonaysa inay tijaabiso in joogista qaxootiga Suuriya ay faa'iido
u keeni karto dhaqaalaha.
Faa'iidada ay
helayaan labada dhinacba
Ilaa
350 reer Suuriya ayaa ka shaqeeya beerta al- Rahman.
"Aad
ayay noo caawisay. Waxay naga caawisay inaan u baahnayn in shaqaale laga keeno
dibadda. Waxay sidoo kale naga caawisay inay lacag noo dhaqaalayso" ayuu
sheegay Jamal Alzoubi oo leh beerta
" Waxaan
shaqaalayn jirnay Masaari aan siin jirnay $2.80 saacadii. Iyaga ayaan ku
tiirsanayn. Markii Suuriyiinta ay imaadeen waxay hoos u dhigeen mishaarka.
Waxaan yeelanay shaqaale badan, waxaana bilaabnay inaan falno dhul badan. hadda
waxaan leenahay dhul wayn."
Suuriyiinta
beerta ka shaqeeya ayaa ka imaaday xero qaxooti oo u dhow beerta. Waxaa la
siiyaa quraac iyo hal dinar saacadii. Mr Alzoubi ayaa aaminsan in labada dhinac
ay ka faa'iido u tahay.
"Hadda
dadkan waxay u nool yihiin si sharaf leh, xerada ay ku nool yihiin way adag
tahay nolosha, hadda way bixi karaan, waxay aadi karaan suuqa, waxay haystaan
ogolaasho shaqo. Dhib ma qabaan" ayuu yiri.
Daqaalaha
Urdun ayaa koraya oo kaliya 2.4% sanadkii. Waxaa qasaaro ka soo gaaray
ganacsigii ay la lahayd waddamada dariska ee Ciraaq iyo Suuriya oo dagaal uu ka
socdo, waxaana waddanka lagu leeyahay amaah badan.
Hadda
waxaa la siinayaa taageero caalami ah.
Bangiga
Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Urdun uu siinayo $100 milyan oo amaah dulsaar
la'aan ah. Bisha danbe waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo $300 Milyan oo ah
barnaamij lagu soo jiidanayo maalgashiga, lagu badalayo sharciga shaqaalaha
laguna samaynayo shaqooyin.
Waxaa
la beegsanayaa in Urdun ay shaqaalayso 200,000 oo reer Suuriya ah.
Midowga
Yurub, ayaa doonaya in qaxooti badan shaqo loo abuuro, si ay u helaan nolol
fiican, ayna u yaraadaan dadka imanaya Yurub.
Hogaamiyayaasha
Yurub ayaa u balanqaaday Urdun inay u sahlaan ganacsiga ay la leedahay Midowga
Yurub.
Ilaa
hadda 20,000 oo qof ayaa la siiyay ogolaasho shaqo, laakiin dadka reer Suuriya
ayaa u baahan waxyaabo badan si ay u helaan nolol fiican.
Comments
Post a Comment