Trump oo loo doortay Madaxweynaha Mareykanka


xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.
Trump ayaa xilka kala wareegi doono madaxweyne Obama kaddib markii uu Hillary Clinton uga guuleystay 276 cod.
Guusha Trump ayaa loo arkaa mid taariikhi ah waxa ayna ka fajicisay dad badan oo filayay in Hillary Clinton ay ka guuleysan doonto maadaama uu ku cusub yahay siyaasadda isla markaana lagu bartay hadallo qallafsan oo ka careysiiyay dad badan oo Mareykan ah.
Trump ayaa ku guuleystay codbixinta gobollada muhiimka ah ee sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa, waxa uuna sidoo kale codad badan ka helay gobollada kale ee Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.
Madaxweynaha la doortay ayaa sheegay in Clinton ay la soo xiriirtay oo ay u shaacisay in uu uga guuleystay dooarshada, waxa uuna uga hambalyeeyay ololihii ay kula jirtay, waxa uuna dadka Mareykanka ugu baaqay in ay midoobaan.
Taageerayaasha Trump ayaa dabbaaldegyo ka dhigayay qaybo badan oo ka tirsan dalka Mareykanka halka xarunta ololaha doorashada ee Clinton ay murugo ka muuqatay.
Xisbiga jamhuuriga ayaa sidoo kale ku guuleystay inta badan kuraasta aqalka wakiilada iyo kan sare ee "senetka".
Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada New York.
Waa cannugii afaraad ee qoyska aabihii oo ahaa maal qabeen ka guryaha.
Inkastoo ganacsiga Trump uu ballaartay, haddana waxaa jirtay in mararka qaar uu musallifay.
Trump ayaa dhawr jeer ballan qaaday in uu darbi ku kala xiri doono xudduudda Mareykanka iyo Mexico isla markaana uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Mareykanka.

Comments