Warka Xun Waxa Ka Xun Weriyaha Xun


Tan Iyo Markii Ay Burburtay Dowladii Somalia Sannadii 1991 Ayaa Waxa Iyaguna Burburay Nidaamkii Dalku Ku Shaqayn jiray Oo Kala Ahaa Mid Hayadeed Iyo Mid Dowladeed,Wixii Intaa Ka Danbeeyay Ma Jirin Wax Tixraac Ah Oo Qofka Loo Raaco.
Waxa Kale Oo Burburay Sharcigii Dalka,Nidaamkii,Dastuurkii,Xeerarkii Iyo Ciqaabadkii Dalkana Wixii Ka Dhacayay Waxa Ay Ahaayeen Wax Aan Indhaha Laga Qabsanaynin
Sharciyada Dalka Ka Burburay Waxa Ka Mid Ahaa Sharciga Warbaahinta Oo Iyadu Ah Udubdhaxaadka Dowlada Marna Lagu Tilmaamo Seef Labo Af Leh.
Somaliland Oo Iyadu Gaar Uga Go'day Somalia Ayaa Aas Aastay Xeer Ay Ugu Talo Galeen Saxaafada Dowlada Somaliland Oo Ahaa Xeer No:27/2004 Oo Golaha Wakiilada Dowlada Somaliland Ansixiyeen Xeerkaas Oo Ka Koobanaa Qaybaha Kala Duwan Ee Saxaafada Oo Ay Kow Ka Ahayd Anshaxa Saxaafada (Ethics).
Sharciga Saxaafada Waxaa Ka Maqan Cayda,Buunbuuninta,Dacaayada Iyo Shaqsi Abaar.
Wariye Yaa Noqonkara?
Marka Hore Wariyaha Ayaa Ah Qof Ay Masuuliyadi Ka Saarantahay Bulshada Oo Dhan OoN Loo Kala Qaadayn Masuul Iyo Rayid,Laakiin Waryaha Haatan Ma Yahay Kaasi?
Jawaabtu Waa Maya,Maya,Sababta Oo Ah Waxa Uu Noqday Afayeenka Nin Xil Haya Ama Af Hayeenka Beeshiisa Oo Uu Noqday Aftahan U Soo Baxay Reer.
Wariye Waxa Noqon Kara Nin Masuuliyad Iska Saaraya Ka Ugu Yar Bulshada Iyo Ka U Wayn Sina Ula Wada Dhaqma Dadka Aan Awooda Badan Ku Dhexlahayn Bulshada Iyo Kuwa Iyagu Isku Tiriya Inay Yihiin Labeenta Bulshada Wata Khibrada Barasho Marka Laga Yimaado Hibo Uu U Leeyahay Hadalka,Hadalka Marka Aan Ku Leeyahay Maaha Inuu Warami Karo Ee Waa Inuu Noqonkaro Afka Ka Aan Awood Buuxda U Lahayn Inuu Wixii Uu Xaq U Leeyahay Soo Rito Amaba Ka Dhagoolka Ah.
Diin Ahaan Inuu Noqdo Nin Iimaan Buuxa Leh,Maaha Xadiis Amaba Inuu Quraan Akhriyo Oo Uu Ku Soo Bandhigo Baraha Bulshada Ee Waa Inuu Noqdo Ninka Ka Fogaan Kara Waxa Ay Diintu Ka Fogaysay Oo Ah Beenta,Kala Fogaynta Bulshada Iyo Cayda.
Waa Inuu Noqdaa Ninka Aan Laaluush Ama Lacag Ku Raacin Uguna Buun Buunin Qof Kana Dhigin Waxa Uu Ahayn Hadii Kale Qofkaasi Waxa Uu Noqonayaa (Af Wax Cunay Xishoo) Oo Ah Qofkii Aanad Runta Ka Sheegi Karin Sababto Ah Qof Iibsan Ayaad Tahay.

Wariyaha Maanta.
Waxa Aan Dhawaan Baraha Bulshada Ku Arkayay Wiil Soo Qoray (Wariyayaasha Maantu Aqoon Ma Leh,Waa Dibjirtii Magaalada Oo Cay Iyo Af Lagaado U Gaysanaysa Odayo Aabayaashoodna Ka Wayn) Markaan Arkay Qoraalkaas Kamaan Dareen Celin Sababta Oo Ah Waxa Uu Arkay Ayuu Ka Hadlay Oo Ah Wariyayaal U Kala Safanaya Beelo Iyo Qabiilo Isla Markaana Soo Qoraya Wax Uu U Arko Danta Beeshiisa Oo Beelkale Ku Noqonaysa Nabar Xoogan,Beeshaasi Kale Iyadana Wariye Ayaa Ka Soo Jeeda Kaasi Oo Soo Buufinaya Beeshii Kale Hadaba Labadani Wariyeba Layaab Ma Leh Oo Aqoontooda Ayaa Ah Midii Ugu Hoosaysay Maadaama Ay Beelaysi Ku Soo Laabteen.

Horaan Baraha Bulshada Ugu Soo Bandhigay Qoraal Yar Oo Koobnaa Oo Ahaa
(Warbixinada Qaar Ee Ay Wariyayashu Qoraan Maaha Aqoon Daro Ee Waa Caqli Daro)
Masuul Iskama Saarayaasha Bulshada Ku Badan Saxaafada Ayaa Tabinaya Warar Aan Masuuliyadi Ku Dheehnayn Taasi Oo Ay Bulshadu Ku Tilmaamto War Xun
Laakiin Bulshada Ayaanan Ogayn In Warka Xumi Uu Ka Xunyahay Waryaha Xuni Sababtoo Ah Warka Xuni Hal Maalin Ayuu Dhamaadaa Waryaha Xumina Waligii Ma Dhamaado Soomaaliduna Horay Ugu Maahmaahday (Ay Hadii Aad Maydho Nijaastu Kama Bado,Ama Waraabe Ma Raboobo)
Mahadsanidiin Wabilaahi Towfiiq 

Qalinkii Abdikadir Mohamed Abdi (Diidii)
Twitter @DiidiiAbdikadir
Facebook Abdikadir Diidii



Comments