Amarka Madaxweynaha Maraykanka ee qaxoontigu sidee buu u saamayn karaa Soomaalida ku nool dalkaasi ?


WASHINGTON –

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay xayiraado dhanka socdaalka ah “si Muslimka xagjirka ah looga ilaaliyo Mareykanka”. Haddaba sidey arrintaasi u saameyn kartaa Soomaalida?

MUXUU YAHAY AMARKA TRUMP?

Markii uu musharraxa ahaa, ayaa Trump wuxuu ballanqaaday in uu Muslimiinta ka mamnuucayo galitaanka Maraykanka. Hadda wuxuu saxiixay amar uu muddo aan la cayiminin ku xayirayo qaxootiga Suuriya iyo in dhammaan qaxootiga dalkaasi uu qaato sida kuwa Soomaalida aanay geli doonin ugu yaraan 90 maalmood.

SiDUU U SAAMEYN DOONAA SOOMAALIDA?

Soomaalida Maraykanka ku nool ayaa sheegaya in qaxootiga sugaya in dib u dejin looga sameeyo gobolka Minnesota ay rajo beel yihiin, ka dib markii uu madaxweyne Donald Trump uu si kumeelgaar ah u hakiyay qaxootiga cusub ee uu dalkaasi qaadan lahaa, sababo uu ku tilmaamay ammaanka qaran awgood.

Becca Heller, agaasimaha hay’adda International Refugee Assistance Project, ayaa Arbacadii oo dhan ka jawaabaysay fariimo iyo wicitaanno uga imanayay dalka oo dhan.

“Qof waliba wuu argagaxsan yahay. Cidna ma garaneyso waxa ay arrintan ka dhigan tahay,” ayay tiri Heller, oo intaa raacisay “Waxaa jira dad aan caawino uu noolashoodu khatar weyn ay ku jirto. Waa dad loo ogolaaday in ay halkan yimaadaan, dal ku gal la siiyay, isla markaana sugaya taariikhda ay safri lahaayeen.”

Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay SoomaalidaTrump: Soomaaligii weerarka Ohio gaystay ma ahayn inuu dalka joogoDeeqa Afro oo soo saartay hees ku saabsan Donald TrumpShan arrimood oo ku saabsan Ilhaan CumarLahaanshaha sawirka Getty Images

Keith Ellison oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka lagana soo doorto Minneapolis, ayaa sheegay in durbadiiba la dareemayo saamaynta siyaasadaha Trump.

“Waxaa saaka isoo wacay qoys Soomaali ah oo muddo ka badan 5 sano sugayay in loo soo qaado walaalahood iyo carruurtooda. Waxay buuxiyeen dhammaan shuruudaha looga baahnaa. Balse maalmaha ugu horreeyay ee maalmulkiisa, ayaa madaxweyne Trump wuxuu go’aansaday in qoyskan aanu astaahilin in ay midoobaan, diinta ay aaminsan yihiin iyo dalka ay ka yimaadaan awgood,” ayuu yiri Ellison.

Ilhan Cumar, oo ka tirsan aqalka wakiiladda Minnesota, ayaa sheegtay in ficilka Trump uu wax u dhimi doono sumcadda dhanka xuquuqda aadanaha ah ee Maraykanka. Waxay intaa ku dartay in amarkaasi uu caqabad ku yahay noolashada Soomaalida Maraykanka.

MA JIRAAN DAD AY XAYIRAADAN SAAMEYN KU YEELAN DOONIN?

Xayiraaddan ma saamayn doonto dadka uu Donald Trump ku tilmaamay qaxootiga Kiristaanka ah ee waddamada ay colaadaha saameeyeen. Mudnaanta koobaad ayaa la siin doonaa.

Sidoo kale xanibaadda 90-ka malamood ah ee la saaray dadka ka imanaya waddamada Ciraaq, Suuriya, Iran, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yemen ayaan saamayn doonon qeybo ka mid dal ku galka Maraykanka, sida kan diblomaasiyihiinta.

Lahaanshaha sawirka Getty Images 
Image caption Qaxootiga Suuriya ayaa ka soo cararay colaada dalkooda ka aloosan

MAXAAN KU CADDEYN AMARKAN?

Ku dhawaad 500,000 oo qof oo ku nool todobadaasi dal ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay waxa ay heleen sharciga Maraykanka ee loo yaqaano green card, kaasoo u ogolaanaya in ay weligood ku noolaadaan kana shaqeystaan dalkaasi. Sharci ahaan, dadka haysta green card-ka ayaa loo arkaa ajaanib. Qareennada ayaan hubin in dadkaasi laga horjoogsan doono in ay kusoo laabtaan Maraykanka iyo in kale, waa haddii ay dibedda uga maqan yihiine, balse waxay tilmaamayaan in arrintaasi ay suuragal tahay.

Waxaan sidoo kale caddeyn in Maraykanka ay kusoo laaban karaan dadka dalalkaasi kasoo jeeda ee haysta visaha muddada dheer ah, sida ardayda iyo shaqaalaha, isla markaana xaqa u leh in ay dalkaasi ku noolaadaan kana baxaan marka ay doonaan.

Lahaanshaha sawirka Getty Images 
Image caption Muslimiin badan ayaan ka caroortay amarka Trump

MA MARKII UGU HORREYSAY EE AMAR NOOCAN AH LA BIXIYAA?

Tan iyo markii la ansixiyay Xeerka Qaxootiga 1980, dowladda Maraykanka ayaa hal mar oo keliya xannibtay qaabilaadda qaxootiga, waxaana ay ahayd muddadii u dhexeysay September 11, 2001, ilaa December 11, 2001.

Amarka Trump ayaa u arka in Maraykanka uu u baahan yahay in muddo dheer la darso codsiyadda qaxootiga.

MAXAA DHICI DOONA MARKA UU DHAMAADO XILLIGA XANNIBAADA

Trump ayaa sheegay in amarkan kumeelgaarka ah la qaadi doono, marka la diyaariyo “tallaabooyin si weyn loogu hubinayo qaxootiga”

Lahaanshaha sawirka Axmed Xuseen 
Image caption Axmed Xuseen oo bidix taagan ayaa noqday Soomaaligii u horeeyay ee Canada wasiir ka noqda

SUURAGAL MA TAHAY IN AMARKAN SHARCIGAN LALA BEEGSADO?

Dadka diidan ayaa laga yaabaa in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan amarkan, waa haddii dhammaan waddamada uu saameynayo ay yihiin kuwo Muslimka ayu badan yihiin, sida uu sheegay Hiroshi Motomura, oo ah khabiir arrimaha qaxootiga ku xeel dheer, kana tirsan kulliyada qaanuunka ee jaamacadda California, Los Angeles.

“Dadkaasi ayaa ku doodi kara in amarkan uu fuquuqayo diin gaar ah, taasoo khilaafsan dastuurka Maraykanka,” ayuu yiri Hiroshi Motomura

Comments