Aqalka Cad Ee Maraykanka Ayaa Si Cadho Leh Uga Hadlay TVga Telefishinka MSNBC Uu Ka Baahiyay Canshuurta Trumpe


UNITED STATE Washiton:- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2015 bixiyay 38 milyan oo canshuur ah isaga oo ay soo gashay in kabadan 150 milyan oo doolar, sida ay muujinayso canshuur celintiisii oo la dusiyay.
Telefishinka MSNBC ayaa baahiyay qoraal labo bog ka kooban oo canshuur celin ah, arrintaas ayaana sababtay in Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanku uu si caro leh uga jawaabo.
Aqalku wuxuu sheegay in ay sharcidarro tahay in la sii daayo canshuur celintaas.
Trump ayaa diiday in uu baahiyo canshuur celintiisa intii lagu gudo jiray ol'olihii doorashada Maraykanka, isaga oo ka weecday dhaqan soo jireen ahaa muddo dheer.
Qoraalkan labada bog ah ayaa ah qayb ka mid ah macluumaadka canshuur celintiisa oo dhan mana faahfaahinayso meesha uu dhaqaalahaasi ka soo galay Trump.
Saxafiyiintu waxay leeyihiin shaacinta macluumaadkani waa mid muhiim ah wali maadaama oo wax yar uun laga ogyahay canshuur celinta Trump, xogtan cusubina ay caddaadiska ku sii kordhin doonto Trump sidii ku sii dayn lahaa macluumaadka ku saabsan canshuur celin intan ka sii badan.
Inkastoo baahinta canshuur celinta federaalku ay dambi tahay haddana Rachel Maddow oo ah daadihiyaha MSNBC wuxuu sheegay in ay adeegsanayaan isbadal la sameeyay oo u ogolaanaya baahinta wixii ay dan ugu jirto bulshada.

Abdikadir Diidii Boorama 
77diidii@gmail.com
Facebook Page:-https://www.facebook.com/Diidiiabdikadir/
Facebook Profile:-https://www.facebook.com/abdikadir.didi

Comments