Ciyaaryahanka Reer Spain Xabi Alonso oo cayaaraha ka fariisanaya......

sairku waa xiligii koobka aduunka ay ku guulaysteen
Cayaaryahanka khadka dhexe uga cayaara Bayern Munich Xabo Alonso ayaa xaqiijiyey inuu cayaaraha ka fariisan doono marka uu dhamaado heshiiska uu kooxda kula joogo oo ku eg xagaagan.
Bartiisa Twitter ayuu 35 jirkaas soo galiyey sawir muujinaya isagoo gacan haatinaya, wuxuuna ku qoray "Waan ku noolaa. Waan Jeclahay. Waa cayaar sagootin ah oo qurxoon".
Alonso wuxuu Liverpool kaga soo biiray Real Sociedad 2004, wuxuuna qayb ka noqday guushii horyaallada naadiyada Yurub ee Istanbul xilli cayaareedkii ugu horreeyey ee kooxda uu la joogay, cayaartaasoo ay kooxdu iska soo gudeen 3-0 lagu hogaaminayey oo ay gool-ku-laadyo kaga badiyeen AC Milan.
Wuxuu u wareegay Real Madrid 2009, isagoo la qaaday koobkiisii labaad ee horyaallada Yurub iyo sidoo kale horyaalka Spain, ka hor intii uusan aadin naadiga Bayern Munich ee Jarmalka 2014. Wuxuu la qaaday laba koob oo horyaalka Bundesliga ah, isagoo wax ka soo gaarsiiyey kooxda rubuc dhamaadka koobka horyaallada Yurub ee hadda socda.
114 kulan ayuu u safatay xulka qaranka ee Spain, wuxuuna u dhaliyey 16 gool. Wuxuu qayb ka qaatay koobabkii qaramada Yurub ee Spain ay qaadday 2008 iyo 2012.

Abdikadir Diidii Boorama
77diidii@gmail.com

Comments