Gudida Doorashooyinka Maamulka Puntland Ayaa Bilaabay Inay Diiwaangaliyaa Xisbiyada U Tartamaya Doorashada Maamulkaasi.


Garowe (ADN) Guddiga doorashadda Puntland ayaa  la filayaa in 25 bishan Maarso  si rasmi ah u  bilaabaan furitaanka iyo diiwaangalinta ururadda Siyaasadeed ee doorashooyinka goloyaasha degaanka oo ku dhacaya nidaamka xisbiyadda Badan ee Puntland.
Diwaan-gelinta ururadda Siyaasadda oo ku beegnayd jadwalka doorashadda 1 december 2016ka ilaa 31 jannaayo ee Sanadkan ayaa dib u dhacday sababo aan la shaacin awgeed, waxaa sidoo kale   dib u dhacay wacyigalinta iyo baraarujinta nidaamka axsaabta badan oo jadwalka doorashadda ku xusnayd in la bilaabo bishii november ee sanadkii hore.
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa bishii October ee sanadkii hore hore wuxuu Daahfuray Hanaanka Geedi-Socodka Doorashooyinka Puntland iyo Nadaamka Xisbiyada Badan ee P, isagoo khudbad uu ka jeediyay munaasabadii furitaanka, sheegayna inay ku dadaali doonto in waqti ka dhiman mudada xukuumadiisa ay dalka ka dhacdo doorasho hal cod iyo hal qof ah.
Waxaan kaloo la filayaa in Madaxweynaha Puntland  inuu u  magacaabo guddiga doorashada guddoomiye cusub , kaasi oo bedeli  Axmed Maxamed Cali (axmed Kismaayo) oo is casilay sanadkii hore
Jadwalka Doorashada ayaa sidan u dhignaa
Mudada diwaan gelinta Ururada  Siyaasada PL : 1 Diseembar – 31 Janaayo 2017
Nadaamka kala saarida Ururada Siyaasada PL. : 1 Feberaayo – 31 Maarso, 2017
Aqoonsiga Ururada Siyaasada PL: 1 Juun – 7 Juun 2017
Diyaarinta hab raaca Nadaamka Doorashada PL: 8 Juun – 18 Juun 2017
Dejinta xal u helida Khilaafaadka Urarada Siyaasada Dhexdooda ka dhaca.: 19 Juune – 24 Juun, 2017
Kormeerida goobaha doorashooyinka deegaanada  PL:  1da Luuliyo – 21 Luuliyo 2017
Dib u furista xafiisyada Gobolada iyo Degmooyinka ee TPEC iyo howl gelinta shaqaalaha iyo tababaradooda: Luuliyo 22 – Oktoobar 22, 2017
Tababarka Ururada siyaasada iyo Hab-dhaqan kooda ee nadaamka Doorashooyinka PL.  Oktoobar 23 – Oktoobar 28, 2017
Soo gudbinta liiska musharaxiinta iyo Mudada ololaha Doorashada : Nofeembar 01 – 20 Diseembar, 2017
Qabashada Doorashada Golayaasha Deegaanka PL: Diseembar 22, 2017
Ku dhawaaqida natiijada dorashada ee Golayaasha Deegaankaa PL: Diseembar 23 – Diseembar 25, 2017.
Gudoon siinta Aqoonsiga sadex-da xisbi ee soo gudba.: Janaayo 05 – 15 Janaayo, 2018.
Gabagabadii, dad badan oo reer Puntland  ayaa iswaydiinaya inay suurta-gal  noqon karto nidaamka doorashada xisbiyadda badan uu ka hirgali karo Puntand markii u horraysay muddo 18 sanno tan xiligii la asaasay,iyadoo hore loogu fashilmay in la hirgaliyo.

Comments

Post a Comment