Maamulka Yuhuuda Ee Israel Oo Deeghaamayn Ka Wada Dhulka Muslimiinta Falastiin Si Ay Muslimiinta Xadka U Dhaafshaan.


Qasa (ADN) Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay in Israa'iil aysan qaadin tallaabooyinkii ay ku joojin laheyd howsha deegaamaynta ee ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta, taasi oo uu dalbaday Golaha Ammaanka.
Nickolay Mladenov ayaa hadalkan jeediyay mar uu xubnaha Golaha Ammaanka uu u gudbinayay xogtii ugu dambaysay ee ku saabsaneyd dhaqangelinta qaraarkii golahan ee bishii Diseembar ee sanadkii hore, kaasi oo dhigayay in deegaamaynta Israa'iil ay tahay mid xadgudub ku ah shuruucda caalamiga ah.
Qaraarkaasi ayaa la meelmariyay kaddib markii maamulkii Madaxweyne Obama ee Mareykanka uu ka aamusay codka loo qaaday arrintaasi.
Hasayeeshe maamulka Mareykanka ee xilligan ayaa dhaliilay qaraarkaasi.
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, waxa uu u sheegay xubnaha golahan in saddexdii bilood ee la soo dhaafay Israa'iil ay kordhisay howsha deegaamaynta ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta, waxa uuna arrintaasi ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah qaraarkaasi golaha ammaanka, kaasi oo uu sheegay in ay tahay mid aad looga walaaco.
Mlandenov ayaa sheegay in horumarinta kaabayaasha ee qorsheysan, tallaabooyinka dhanka sharciga ah iyo tallaabooyinka ballaaran ee lagu burburinayo bulshada Falastiiniyiinta ay caddeyn dhab ah u tahay sida Israa'iil ay uga go'an tahay in ay sii ballaariso deegaamaynta ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta ee ay xoogga ku haysato.
Waxa uu ka digay in tallaabooyinka noocaasi ah ay lid ku yihiin sharciga caalamiga ah, isla markaana ay xagal daacinayaan qorshaha xalka labada dal, waxa ayna sidoo kale waxyeelaynaysaa suuragalnimada in la helo dal ay Falastiiniyiintu leeyihiin.
Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay, Danny Danon, ayaa ku diidau xogta uu bixiyay ergaygan Qaramada Midoobay, waxa uuna sheegay in ay khasab tahay in la joojiyo walaaca tirada badan ee Qaramada Midoobay ay diiradda u saareyso Israa'iil.

Comments