Madaxweynihii Hore Ee Somalia Hassan Sheikh Mohamoud Ayaa Maanta Dalka Ka Kaba Xidhay Oo Ka Duulay Waxa Uuna Tagay......

SOMALIA Muqdisho:- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Qoyskiisa ayaa maanta waxa ay ka ambabaxeen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Qoyskiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku sii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo xubno kale oo saaxiibo dhow la ah Xasan Sheekh.
Sarkaal sare oo ka tirsan shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay Diyaarad qaas ah in Xasan Sheekh iyo Qoyskiisa ay ka qaaday Garoonka Aadan Cadde, iyaga oo uu kii sii jeeda Dalka Turkiga oo ay degan yihiin Qoyskiisa.
Xog hoose oo laga helay siyaasiyiin aad ugu dhaw Xasan sheekh ayaa xaqiijiyay in Amaanka Xasan sheekh loo Cabsaday lana helay Fariimo Halis ku ah Nolosha Xasan sheekh iyo qoyskiisa sidaasna uu Dalka kaga baxay Xasan sheekh.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa 16-kii Febraayo ee sanadkan si rasmi ah xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub ee 8-dii Febraayo lagu doortay magaalada Muqdisho, Doorasho taariiqi aheyd

Comments