Maxaad Ka Taqaanaa Xigmadaha Dahabiga Ee Hoos Ku Qoran??

1. Cabirka Shumaca waa kala duwanaan karaa laakiin waxay bixiyaan iftiin isku mid ah, ma aha Halka aad joogto iyo derajada aad leedahay laakiin waa Tayadaada & dadnimadadaada waxa kaa dhiga inaad iftiin u noqoto Umada

2. Tus Xushmad xitaa dadka aan u qalmin; Ma aha ka falcelin dabeecadooda, laakiin waa sawir ka bixin adiga dhaqankaaga qadarinta ku dhisan

3. Ha ka cabsan Cadowga u soo bareeray inuu ku soo weeraro, laakiin iska ilaali saaxiibka beenta ah ee Hab ku siiya

4. Dulqaad yari iyo deg-deg waa xididka dhibaatadaada, ma qasbi kartid Nolosha inay ku siiso Jawaabo ama sidaad rabto wax kasta u dhacaan, waa inaad oggolaataa in wax kasta iyaga is furfuri doonaan, waa in aad aqbashaa in wax kasta waqti qaataan

Saxardiid Xaashi

W/Q Farah

Comments