Shaqsiyaadka U Matalaya Somaliland Xukuumada Somalia Ma Isleedahay Way Ku Jiraan Hebelo Badan?

Raysalwasaare Khayre ayaa goordhow xukuumadiisa ku dhawaaqi doona, xubno kasoo jeedda Somaliland ayaa Wasiiro ka noqon doono Wasaaradaha Maaliyadda, Warfaafinta, Gaashaan-dhigga, Boosaha iyo Isgaarsiinta.

Cabdiraxmaan Beyle, oo Gudubiirsi udhashay ayaa la filayaa in uu noqdo Wasiirka cusub ee Maaliyada,

Ridwaan Hersi Maxamed oo u dhashay Isaaq/Habaryoonis ayaa lagu wadaa in uu noqdo Wasiirka warfaafinta, waxase dhici karta in Saalax Axmed Jaamac oo isla beeshaasi u dhashay lagu bedelo Ridwaan.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo udhashay Isaaq/Habarjeclo ayaa lagu wadaa in uu noqdo Wasiirka Deegaanka iyo maareeynta aafooyinka.

Jaamac Caydiid oo udhashay Dhulbahante ayaa noqon doona Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta, waxase dhici karta Jaamac qudhiisa in uu bedelo masuul kale oo isla beeshiisa ahna ganacsade caanana ka ah dalka.

Cabdullahi Axmed Ilkajiir oo udhashay Warsangeli ayaa isna kusoo bixi doona Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya.

Masuuliyiintan qaarkooda rajadooda inay kuraastaas kusoo baxaan waa 99% waxase dhici in mid mid kamid ah ay bedelaan shaqsiyaad ay isku beel yihiin sida Wasiirka Warfaafinta iyo Kan boosaha iyo Isgaarsiinta.

Xubnahan qaarkood waxay hore uga mid ahaayeen xukumadii laga guulaystay ee Madaxweyne Hassan Sheikh waxase laga bedelay boosaskii ay joogeen waxa kamid ah Wasiirka cusub ee deegaanka Mr Maareye oo hore u ahaa Wasiirkii Warfaafinta Xukumadii dhacday, Ilka jiir. kan cusub ee gaashaandhiga qudhiisu waa Wasiirkii Cadaaladda ee hore, Beyle ayaa isna mar kasoo dhex muuqday xukumadaasi, Ridwaan qudhiisu waa ku xigeenkii Raysal wasaarihii kalsoonida lagala noqday ee Saaciid.

Waxa dhicikara isbedel ku kooban bedelka shaqsiyaadkaa aan tilmaanay sidoo kale waxa suuragal ah in Wasiiradda qaar wasaarada kale loo dhiibo waxase xusid mudan in xubnahan loo xushay kuwa Metelaya Somaliland,

Sida muuqata Shaqsiyaadkani maaha kuwa saamayn ku leh deegaanadooda, intooda badinan waa laacibiintii 10 kii sano ee udambeeyay Somaliland u metelayay Soomaliya, kuwaaso oon guulo kasoo hoyn wada xaajoodka labadda dhinac.

Markale waxa bariiqaray rajadii raadinta midnimadda.!

Maxay kula tahay, Adiga.? 🤔

W/Q:-MoBakayle.

Abdikadir Diidii Boorama

77diidii@gmail.com

Comments