Xijaabka Ayaa Waxa La Mabnuucay Ku Jira Waana Khasab Oo Awooda Waxa Leh Masuulka.

Maxkamadda ugu sarraysa Yurub, ayaa xukuntay in dadka loo shaqeeyeyaasha ahi ay xor u yihiin in ay shaqaalahooda ka mamnuucaan "xidhashada wax kasta oo noqon kara calaamad siyaasadeed, mid falsafadeed ma mid diineed oo muuqata" waxaana ka mid ah xijaabka.

Laakiin sida ay sheegtay Maxkamadda Cadaaladda Yurub (ECJ), mamnuuciddan ayaa ay tahay in lagu saleeyo sharciyada u gaarka ah shirkadaha xeerarkoodu dhigayaan in shaqaaluhu xidhaan "lebis dhexdhexaad ah".
Laguma salayn karo rabitaanka macaamiisha, ayey tidhi maxkamaddu.
Waa go'aankii u horreeyey ee maxkamaddu ka gaadho in lagu shaqo tegi karo xijaabka.
Xukunkan Maxkamadda Cadaaladda Yurub wuxu ka dhashay dacwad ay gudbisay haweeney shaqadeeda looga eryey in ay xidhnayd xijaabka oo u shaqayn jirtay shirkadda G4S ee dalka Belgium.
Maxkamadda sare ee Belgium ayaa dacwadan hore ugu gudbisay maxkamadda ugu sarraysa Yurub si ay talo sharci uga bixiso.

Comments