Gabadhii quruxda badneyd & afartii Nin ee damcay inay guursadaan (SHEEKO XIISO LEH)


Gabar gashaanti ah oo markaasi soo kacdey, qurux EEBE u dhammeeyey hubqaad iyo haybadnna uu siiyey, naaso afkoodu diraca ka soo muuqdo oo sida sawaariiqdii xaga hore eegaya, timo madow oo masarka looga dhexjeedo jileecooda sida sayn faras dhabarka tagaya hadii la sii daayo, bushimo cas, af dugul ah & luxid laafyaha garaaraha isku darsatay ayaa beri ku nooleyd deegaan gabdhuhu ku yar yihiin ragga hablo baacsigunna ku badan yahay.
Gabadha waa la isku sheegay, laakiin nin holliya (u bareera) la waa, oo waxaa nin walba isleeyahay armay jiq kaaga dhigtaa oo ay habaaska kaaga tagtaa, waxaana nin waliba is leeyahay bal eeg ninka ugu horreeya ee gabadhan halacsada hadii ay diidana haleel u hel halkii ay hamigeeda u siin wayday adiguna hab cusub isugu habee.
Waa sheeko yaab & amakaag huwan’e Gabadhii caynkaasi aheyd nin faqiir ah oo boggiisa biyo u raacin ayey hamigiisa noqotey, jaceyl ayuu u qaaday, waa kaaf iyo kala dheeri, waa Jaceyl faqiir galay, calafka iyo nasiibkus’e waa halkiisa, “Ninba timo xamar”.
Ninkii oo jaceyl isla hayn kari waayey ayaa ugu dambeyntii barreere ugu yimid gabadhii wuxuuna u sheegtey ujeedkiisa iyo in uu caashaqay, doonayana in uu guursado: “Wagarey ka waasican”.
Gabadhu illeyn ninka horey ayay isha ugu haysay oo qalbigeeda waxaa galay jaceyl, !”ILAAH ma kuu gargaaraa mise gadac-gadac ayuu kuu tuuraa”, afkiisa markii ay ka soo baxdey in uu doonayo in uu guursado ayey gabadhii la soo booday “hawraarsan & waxba kama qabee inoo dadaji arinka”.
Bal adba: Ninku waa nin geesi ah gabadhii ayuu furcaddi ugu sheegay inaanu shilin iyo kumi midna isku furan oo uu yahay nin faqiir ah oo aan haysan wax uu ku arooso, oo caynteyn asnnu ka dhicin.
War illeyn tan kale: Oo haddaa maxaa waallay, hadii aanu cayntan isku furan?: Bal u kaadi sheekada ninku wuxuu ka wanaagsan yahay rag badan oo gabdhaha ku shukaansada “Markab ayaa dekadda iigu soo xiran”, “Aabahaybaa sagaal dabaq leh”, “geelleenu xudduudka hadii lagu dhirirriyo caaduu ka dhaafi”, “beeraha aan leenahay Soomaali oo idill way quudiyaan iyo hadallo kale oo badan”.
Ninkii wuuxu gabadhii ugu beer qaboojiyey in uu jiro nin ay saaxiibo yihiin oo ganacsade oo uu ka heli karo lacag uu ku guursado.: Waa Nin arwaaxi haysee: ninkii ganacsadaha ayuu u tagey waliba isagoo gabadhii gacanta ku dhegan, magaaladuna xaggooda soo eegayso qaar badan oo inan rag ka mid ahna ay qosol la jiifaan iyagoo leh “Kii faqiirka ahaa ayaa gabadhii isku taagey, tallow beenta uu u sheegay tiro badanaa”.
Ninkii faqiirka ahaa saaxiibkiis ayuu ku yiri: “Saaxiibow lacag ayaan kaa doonaya”, isagoon wali waydiin waxa uu ku sameynayo ninkii ganacsadaha ahaana qalbigiisa iyo indhuhuba ku maqan yihiin xaga gabadha ayaa ninkii faqiirka ahaa hadalkiisii sii raacsadey
“Lacagta waxaa u rabaa inaan ku arooso gabadhan”.
Ganacsadihii waa nin shilin isbadiyee isagoo gowsaha ka qoslaya ayuu ku yiri ninkii faqiirka ahaa:
“Gabdhaha Soomaaliyeed maxaad beenta ugu harqisaa shilin lacag ah ma haysatid markaasaad doonaysaa inaad gabadhan quruxda badan beenbeen ku aroosto, saaxiib gabadhan aniga ima dhaafto, wax kasta oo ay doonayso anigaa siinaya”.....Waa Socotaa
La soco qaybta labaad insha ALLAAH berito Arbaco 5-ta April saacadda UK 2pm oo u dhiganta 4-ta Bariga Afrika.
Qalinka: Mowliid Xaaji Cabdi.

Comments

Post a Comment