‘’Maqaal’’ Door Intee Leeg Ayuu Maayirka Boorama Maydhane Ku Heeyahay Hoos U Dhaca Degmada.


Tan Iyo Markii Uu Maayarka Degmada Boorame Mudane Maxamed Xuseen Maydhane La Wareegay Xilka Gudoomiyaha Degmada Boorama Waxa Miciyo Dhaadheer Yeeshay Khilaafka Ka Jira Degmada Kaasi Oo U Dhaxeeya Xildhibaanada Iyo Gudoomiyaha Degmada Kaas Oo Ay Dhawr jeer Miiska Soo Saareen Moshin Laakiin Uu Isagu Ka Baaqday.








Qormadan Waxa Aynu Ku Eegi Doonaa Waxyaabaha ay Bulshadu U Baahnayd Een Waxba Laga Qaban,Kuwa Aan La Dhamaystirin, Maxay U Baaqdeen Yaa Masuul Ka Ah.

Marka Aynu Soo Horaysiino Kuwooga Aan Waxba Laga Qaban Hadii Aad Boorama Joogto Waad Garan Kartaa Oo Waxa Ka Mid Ah:-

Dadka Ku Ganacsada Wadooyinka Boorama Oo Ah Wadhatada Ayaa Wali Ku Hawl Gala Wadooyinka Badhtankooda Waxa Ayna Ii Sheegeen Inay Maayarka Ka Sugayeen Meelo Uu U Balan Qaaday Sida Ay Sheegeen.

Sidoo Kale Waxa Jira Samaynta Godka Qashinka Oo Magaalada Meel Ka Mida Lagu Qubo Qashinka Halkaasi Oo Ay ka Dhawyihiin Xaafado,Caruur Iyo Xoolaha La Dhaqdo.

Kawaanka Hilibka Waxa Ka Yimid Cabasho Ku Saabsan Nadaafadiisa Mana Jirto Jawaab Celin Ka Soo Yeedhay Maayarka Boorama Kadib Markii Bulshada Ku Dhaqan Xaafada Sheikh Cali Ay Warbaahinta Mariyeen Cabasho Ku Saabsan Sidii Nadaafada Kawaanka Wax Looga Qaban Lahaa Iyada Oo Aadba Moodo Inay Xidhiidh Leeyihiin Maayarka Iyo Shaqaalaha Kawaanku Ka Dib Markii Ay Diideen In Kamarada Lala Galo Gudaha Kawaanka.

Waxaba Jirta In Bulshadu Ay Tilmaameen In Qofkii Gudaha U Gala Kawaanka Boorama Uuna Hilib Danbe Cunaynin Iyaga Oo Sheegay In Ay Nadaafadu Sabab U Tahay Sidoo Kalena Raaciyay In Barta Neefka Lagu Qalayo Uu Ayguna Dharqanayo.
Hadii Aynu Eegno Waxyaabaha Laga Joogsaday Dhamaystirkooda Waxa Ka Mida:-

Mashruucii Sannad Ka Hor Uu Bilaabay Mudane Maydhane Waxa Ka Mid Ahaa Sumayntii Ayda Oo Uu Ay Ku Ciyay Taasi Oo Hal Maalin La Sumeeyay Gidaaradana Lagu Daadiyay Dibna Aan Loo Eegin,



Samaynta Rooga Casriga Ah Ee Wadooyinka Waxa Uu Maayar Maydhane Garab Ka Helayay Gudoomiyihiii Hore Ee Gobolka Awdal Mudane Ramaax Dhamaystirkoodiina Waxa Lagu Daayay Wadada U Baxda Dhanka Garoonka Xaaji Daahir Ee Borama Iyada Oo Laga Tagay Intii Kale.

Dhawaan Maayarka Ayaa Bilaabay Xayndaab Lagu Awdayo Daadka Toos U Aada Garoonka Kubada Boorama Waxa Uuna Bilaabay Dhisida Bariish Kaasi Oo Daadka Loga Weecinayo Garoonka Waxa Uu Maayarku Ja Jabiyay Wadadii Si Uu U Dhiso Biriishkaasi Gabo Gabadiina Ma Suuro Galin Oo Wadadii Ayaa Sibidh Lagu Buuxiyay.
 
Biriishaka Magaaladu Leedahay Waxa Uu Ka Guray Qashinkii Ku Jiray isaga Oona Dhigay Biriishka Agtiisa Oo Xaafado Badani Degan Yihiin Maalmo Qashinkaasi ku baryay Halkaasna Waa Lagu Celiyay Qashinkii Gudaha Biriishka.



Maxaa Loo Qaban Waayay Waxa Kor Ku Xusan? Miyaa La Awoodi Waayay? Bulshada Maayarku Ma U Sheegay In Aan Waxba Laga Qabanayn Waxyaabahaasi?

Kuwa Baaqday Maxay U Baaqdeen? Lacagtii  Miyaa Luntay? Rajo Kale Ma Jirtaa Lagu Qabto?
Su’aalahaasi Waxa Ay Ubanaan Yihiin Maayarka Iyo Inta  U Dooda.
Qoraalkani Cidna Malab U Ma Aha Cidna Mudac Kuma Aha Balse Waa Magaalo Inta Joogtana Waa Markhaati.

W/Q Wariye Abdikadir Diidii



Facebook Abdikadir Diidii 

Comments