Hoos Ka Akhirso Qaybta Koowaad Oo Dhan.
Horaantii sanadkii 1979-kii Sadaam Xuseen madaxweynihii hore ee Ciraaq ee la daldalay waxaa ku dhalatay talo ah in uu u baahan yahay gabbaad uu kaga nabadgalo haddii ay noqoto in lagu soo weeraro hubka Nukliyeerka ama atomic Bom-ka, wuxuu hindisay in uu u baahan yahay god haddii weerar lagu soo qaado gaar ahaan weerarada Atom bom-ka uu kaga badbaadi karo.
Hindisaha Sadaam ma ahayn mid meel dheer ka yimid ee wuxuu ahaa mid uu indhihiisa ku soo arkay dhufays uu samaystay Madaxweynihii Yuguslaafiyadii hore Josip Broz Tito oo loo yaqiin Marshal Tito.
Sanadkii 1976-dii Sadaam oo ahaa madaxweyne kuxigeenkii Ciraaq wuxuu booqday Yugoslavia wuxuu la kulmay Marshal Tito oo ku qaabilay qasri wayn oo u ahaa madaxtooyada, waxaa qasrigaas ku yiil god dhufays ah oo uu aad u qurux badan si wanaagsanna looga shaqeeyey. Wuxuu ahaa dhufays difaaci kara weerarrada Nukliyeerka waxaa ku xaroon karay 500 qof, waxaana uu ku yiil gobolka Bosnia ee waagaas ka mid ahaa Yugoslavia ka hor intii aanay burburin Jamhuuriyadaas oo Bosnia aanay noqon waddan madaxbannaan.
Fikirkaasi ma ahayn mid Sadaam iskiis ugu dhashay ee waxay ahayd aragti uu arkay muhiim.
Sadaam markii uu xukunka qabsaday 1979-kii fikirkii dhisidda dhufays ayuu ku dhaqaaqay 1980-kii Marshal Tito wuxuu Baqdaad u soo diray Injineeradii u dhisay dhufayskii uu Sadaam soo arkay, waxaana ay ka dhiseen dhufays goob u dhaxaysa aqalka Jamhuuriyadda oo ahaa madaxtooyadii Sadaam iyo Buundada 14-ka July.
Labada dhufays ee Sadaam & Marshal Tito waxay ku kala duwanayaan qaabab badan oo xagga dhismaha iyo farsamada ah, inkastoo waxyaabo badan ay isaga mid ahaayeen.
Tusaale ahaan Dhufayska Sadaam ee Yuguslavia u dhistay wuxuu lahaa laba albaab oo laga baxo ama laga soo galo, halka kan Marshal Tito uu lahaa 5 albaab oo dhamaantood buuraylayda Bosnia wadooyin taga dhulka la hoos mariyey.
Dhufayska Sadaam ee koowaad wuxuu lahaa saqaf shamiinto ka sameysan oo culayskiisu dhan yahay 4500 oo Ton, waxaana uu lahaa saqaf taag ah oo cabirkiisu gaarayo 90 mitir balaciisuna yahay 50 mitir.
Waxay labaduna awood u lahaayeen inay xamili karaan haddii uu ku soo dhaco bam culayskiisu ka badan yahay 2 kun oo kiilo oo hubka Nukliyeerka oo laga soo rido masaafo 2km ka yar.
Inkastoo Sadaam Xuseen uu dhistay dhufayskaas haddana aamin kuma qabin oo wuxuu sannado ka dib uu bilaabay dhismaha dhufays kale, markaan Sadaam xulafaddii Soofiyeeti oo Yugoslavia ka mid ahayd ma aadin ee wuxuu u weecday reer Galbeedka.
Nin Jarmal ah oo lagu magacaabo ah Karl Esser oo Injineer dhismayaasha naqshadooda hindisa oo ay ayeeyo u ahayd haweenaydii Adlof Hitler dhufayskii uu gali jiray xilliyadda dagaalada naqshadaysay ayuu u yeertay, wuxuu ninkaasi tagay magaalada Baqdaad waxaana Sadaam uu ka dalbaday in uu u nashqadeeyo dhismaha dhufays.
Dhufayska waxaa dhistay shirkad Jarmalka laga leeyahay oo lagu magacaabi jiray Boswau & Knauer balse hadda ka mid ah shirkaddaha midoobay ee loo yaqaan Walter-Bau AG building group. Dhismuhu wuxuu bilowday 1984 waxaana la soo gabagabeeyey 1990-kii.
Ujeeddada Sadaam uu u dhistay Dhufayska labaad waxay ahayd in uu karti u yeesho in uu kaga gaashaanto weerrarada reer Galbeedka uunna xamili karo hubkooda.
Dhufaysku wuxuu u lahaa adkaysi haddii uu ku soo dhaco gantaal la mid ah atom bom-kii Mareykanku dagaalkii 2-aad ku riday dalka Jabaan gaar ahaan Hiroshima, wuxuu kaloo u lahaa adkaysi dab kulkiisu ka badan yahay 300 oo digree, sida uu sheegay Esser.
Dhufayskaas wuxuu ku kacay xiligaas qiimo gaaraya $ 60 milyan oo doolar oo maanta u dhigma $185 milyan oo doolar."
Darbiyada dhufaysku waxay cabir ahaan gaarayeen 1.5 mitir albabaadiisu waxaa farsameysay shirkad Switzerland laga leeyahay kuwaas oo aad cuslaaa.
Mareykanku wuxuu ku qaaday tiro ka dhawr jeer duqeyn laakiin wax khasaare ah ma soo gaarin waxaa ka mid ahaa gantaalihii lagu garaacay Gantaalaha sida gaarka ah loogu tala galay in ay burburiyaan godadka dhufaysyada ah ee loo yaqaan GBU-28 oo lagu naanayso (The Sad Damizer).
Qaybta labaad ee sheekada oo aan ku soo eegi doono kala duwanaanshaha dhufayskii Sadaam Xuseen laga soo qabtay iyo kii malaayiinta doolar uu ku bixiyey, sidii loo qabtay Sadam, cidii gacanta ka gaysatay, guutadii qabatay, godka Sadaam laga qabtay ee lagu magacaabi jiray “Godkii caaracaarrada” side Sadaam Xuseen muddada ugu dhuumanayey isagoo waliba dagaalka halkaasi ka hagaya iyo macluumaad kale oo dheeraad ah la soco beri 5-ta galabnimo waqtiga UK ama 7-da fiidnimo xiliga Bariga Afrika.
La soco qaybta labaad.....
Tixraac:
Saddam Hussein: The Politics of Revenge Paperback (Waxaa qoray Said K. Aburish)
Encyclopedia of the Persian Gulf War (Waxaa qoray Richard Alan Schwartz)
Saddam's Secrets: (Waxaa qoray General Georges Sada)We Got Him!: A Memoir of the Hunt and Capture of Saddam Hussein (Waxaa qoray Steve Russell)
Saddam: The Secret Life (Waxaa qoray Con Coughli
Diyaarinta: Mowliid Xaaji Cabdi.
Comments
Post a Comment