Taxanaha Dufayskii Sadaam Qaybtii 2-aad: Qabashadii Sadaam Xuseen.

Inkastoo Sadaam Xuseen uu dhistay labadaas dhufays oo aad u adkaa oo mid ka mid ah uu lahaa dhabbe ama waddo 200 oo mitir ah oo tagaysa wabiga Tikris ee magaalada Baqdaad kaas oo uu uga gol lahaa in uu ku baxsan karo badda oo uu raaci karo doon haddii ay noqoto in berriga laga soo weeraro.
Xeel dheerayaasha farsamada dagaalka waxay sheegeen in Sadaam uu aad uga gaashaantay in duulaan lagu soo qaado looga qabsado magaalada Baqdaad uuna ka baxsado dhufaysyadii adkaa ee uu dhistay, laakiin waxa ugu wayn ee dhabarka jabiyey waa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadiisa oo go’aansaday inaanay dagaalamin iyo isagoo lumiyey taageerada qabaa’ilka Shiicada & Kurdiyiinta, taasi oo u suurtagalisay ciidamadii huwanta ee Mareykanku horkacayey in ay si fudud ku qabsadaan Basra, Najaf,Karbala, Nasariyah oo dhaca xagga Koofureed ahna dhulka ay ku xoogan yihiin Shiicada, iyo Suleymaniya & Irbil oo dhaca xagga waqooyiga ahna dhulka Kurdiyiinta.
Sadaam Xuseen isagoo adeegsanaya qiddad dagaal ah oo nooca loo yaqaan Ku dhufoo ka dhaqaaq ama Guerrilla War, isla markaana xaqiiqsaday in cid uu aaminaa ay yar tahay ayuu go’aansaday in uu meel aan laga falayn ku noolaado uuna halkaasi ka wado dagaal iska caabin ah oo saldhigiisu yahay deegaanka ay ku badan yihiin qabaa’ilkiisa ee degan Tikrit taageerana uu ka helo Suniyiinta iyo kooxaha Bacath-yiinta.
Sirdoonka Mareykanka waxay in muddo ahba shaki ka qabeen in Sadaam Xuseen uu ku dhuumaalaysanayo deegaanada Tikrit, waxaana jiray lacag la dul dhigay madaxa Sadaam ama cidii soo sheegta oo dhamayd $25 milyan oo doolar, taasi waxay keentay in kooxo jawaasiis ah ay u kala yaacaan gobolka si ay u helaan Sadaam.
Jawaasiistaas waxay lahaayeen ujeedooyin kala duwan oo waxaa ka mid ahaa kuwa dhaqaale doon ahaa oo hunguri hogaaminayo waxayna ka koobnaayeen qowmiyado kala duwan oo xitaa aan islahayn balse ku mideysnaa nacaybka Sadaam, kuwa kale waxay ahaayeen kuwa cadaawad u qabay Sadaam oo waxay jeclaayeen in nolol ama geeri mid uun lagu helo, waxay u badnaayeen Kurdiyiinta & Shiicada, laakiin Shiicadu awood uma heli karin in gobolkaas tagaan, taasi waxay fursad u siisay Kurdiyiinta oo waxaa jiray in ciidamo ka socday Kurdiyiinta gaar ahaan kuwa Beshmerga ay tagaan gobolka Tigrit iyagoo gacan siinayey Mareykanka.
Hawlgalkii Kaaha Waaberi
Subax Sabti ah 13-lii December 2003-dii Hawlgal lagu magacaabay Kaaha Waaberi kaasi oo loogu magac daray filimkii Red Dawn ee Mareykanka lagu jilay sanadkii 1984-kii ayaa ka dhacay tuulo lagu magacaabo Ad-Dawr (Al-Duur) oo ku dhow magaalada Tikrit, hawlgalkaas wuxuu ahaa kii lagu qabtay Sadaam oo ku dhuumanayey god ka duwan dhufays-yadii uu malaayiinta doolar galiyey ee ku yiil Baqdaad. Godkaas wuxuu ahaa god dawaco oo ku yiil dhisme laga hayaamay oo ay deganaan jirtay shirkadda gawaarida farsamaysa ee Hyundai ee Kuuriya laga leeyahay taasi oo halkaasi ku lahayd warshad gawaarida sameysa sanadihii sideemaadkii.
Hawlgalkaas waxaa loo xilsaaray guutada 1-aad ee ciidamada Mareykanka gaar ahaan unnuga dagaalka ee qaybta ciidamadda dhulka ee 4-aad waxaana maamulayey Major General Raymond Odierno guud ahaan guutadaasi waxay ka koobnaayeen 600 oo askari oo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid ahaayeen diyaaradaha khumaatiga u kaca.
Unnuga hawlgalkaas fuliyey waxaa watey Col. James Hickey waxaaana ay taageero ka helayeen ciidamada Task Force 121 qaybtooda sida gaarka ah ugu tababaran hawlgalada, ciidamadaas waxay ku socdeen macluumaad mukhaabaraad oo ahaa in Sadaam Xuseen uu ku dhuumalaysanayo god qarsoodi ah waxaa gacan siiyey oo hagayey mid ka mid ahaa ilaaladda Sadaam Xuseen kana mid ahaa labada nine ee kaliya ee waardiyaha ka ahaa godka Sadaam ku jiray.
Ereyga baaqa ahaa ee taliska ciidanka laga maamulayey wuxuu ahaa ereyo Ingiriis ah oo la soo gaabiyey oo ah HTV1 oo ah High Value Target 1 oo la macno ah beegsiga muhiimada sare ee koowaad.
Macluumaadka sirdoonka waxay in muddo ah helayeen rajooyin sare oo muujinay in ay ku dhow yihiin helitaanka xog dhab ah oo Sadaam Xuseen halka uu ku sugan yahay dhabaha u xaaraysa waayo waxaa la qabtay xubno ka mid ah qoyskiisa iyo waliba saraakiishii la shaqeyn jirtay qaarkood.
Horaantii bishii December ciidamada Isbahaysigu waxay qabteen Mohammed Ibrahim Omar al-Musslit oo loo yaqiin “Ninka Shuluqa ah” wuxuu ahaa mid ka mid ah labada nin ee og goobta uu ku sugan yahay Sadaam.
Al-Musslit waxaa markii la qabtay la geeyey mid ka mid ah xarumihii Sadaam Xuseen ee magaalada Baqdaad halkaas oo loogu gaystay su’aalo waydiin iyo baaritaan, waxaa la sheegay in Al-Musslit markii hore uu been u sheegay ciidamada sida in mudo hore ay ugu dambeysay Sadaam....Waa socotaa..
La soco qaybta labaad oo xiiso leh kuna saabsan Godkii laga soo qabtay Sadaam Xuseen, ereyadii la yaabka lahaa ee uu yiri markii la qabtay, Qofkii ugu horeeyey ee godka ka soo saaray, amarkii la siiyey Sadaam ee gacmaha kor u taag intii ay ku qaadatay in uu fuliyo, sheekadii yaabka lahayd ee qabsatay Samiir oo ahaa Turjubaankii ciidamadda Mareykanka ee qabtay Sadaam iyo waliba markii indhaha uu kaga candhuufay Sadaam Xuseen.
Qaybta labaad insha ALLAAH waxaan daabici berri Jimcaha 31-ka Maarso 5-galabnimo waqtiga UK oo u dhiganta 7-da Fiidnimo Bariga Afrika.
Tusmo:Xuquuqda Sawirka: Google, waxaa ka muuqda Samiir oo ahaa turjubanka oo ka codsaday taliyaha ciidanka in uu isku sawiro Sadaam markii uu qabtay.
Tixraac: Buugaagta & Jaraa’idka;
Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein Waxaa qoray John Nixon oo ka tirsanaa ciidamadda CIA-da ahaana ninkii ugu horeeyey ee Sadaam ku sameeyey wareysiga qabashadiisa ka dib.
Saddam Hussein: A Biography (Waxaa qoray Shiva Balaghi).
From Dictatorship to Democracy: An Insider's Account of the Iraqi Opposition to Sadam (waxaa qoray Hamid al-Bayati).
Flight from Saddam (Waxaa qoray Qasim Albrisem)
Wareysyada Al-Quds Al-Arab, Sunday Times iyo Sydney Herald.
Qaybtii koowaad haddii ay ku geftay ningaxa hoose guji si uu kuu geeyo qoraalka oo dhamaystiran.

http://abdikadirdiidii.blogspot.com/2017/04/taxanaha-dhufayskii-sadaam-xuseen.html

Comments