Weriye Abdikadir Diidii
Fanka Soomaalida.
waa nidaamka, abuurida, qurxinta, habaynta iyo soo bandhiga heesaha Soomaalida, ruwaayadaha iyo majaajilooyinka u dhaqanka ah dadka Soomaalida ah meelkasta ooy joogaan, gaar ahaan inta ku dhaqan Bariga Afrika. Guud ahaan, fanka Soomaalidu waa nooc ka mid ah Suugaanta Soomaalida. Sidoo kale, dadka ku hadla Af Soomaaliga waxay leeyihiin fan iyo suugaan aad u heersareeya, qani ku ah aqoon iyo xirfad qoto dheer.
In kastoo fanka maanta jira yahay mid aad u da' yar wuxuu leeyahay waaxyo iyo noocyo aad u badan. Kuwaasi waxaa ka mid ah heesaha qaaciga, qaraamiga, heesaha jaaska, ruwaayadaha, majaajiloyinka, filimaanta, bandhigyada fanka, qoob-ka-ciyaarka iyo guud ahaan madadaalada ku baxda luuqada Soomaaliga.
Inkasto sanadahan dambe la casriyeeyay, heesaha fanka Soomaalida inta ugu badan waxaa la isticmaala agab sahal ah, sidakabanka, gitaar, durbaanka, narsada, turunbada, sacabka iyo noocyo kale. Sida badan, heesaha fanka Soomaalidu waa kuwo degan, dhandhan fiican leh, oo inta ugu badan si sahlan loo sameeyo.
Fanka Soomaalida waxaa diyaariya dad badan oo kala duwan, kuwaas waxaa ka mid ah abwaanka (qofka sameeya sheeko, gabay, hees iwm), laxanmiiste, fanaan, jilaa, atoore, muusigyahan iyo kuwo kale.
1.Noocyada Fanka
• Gabay
• Geeraar
• Tix
• Tiraab
• Maanso
• Buraanbur
• Shaleemo
• Maahmaah
• Gabay jacbudh
• Sheeko
• Halabuur
• Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka
2.Noocyada Masraxa
Abwaan
Ruwaayad
Majaajilo
Hees Soomaali
Fanaan Soomaali
Laxanka
Benadiriga
Baraawe
Baajuunta
Bantuga
3 Noocyada Heesaha.
Hees-Howleed
Qaaci
Qaraami
Balwo
Jaas
4 .Noocyada Heeso Dhaqmeedka.
Dhaanto
Saar
Saylici
Fanka Soomaalida
5. Qalabka Suugaanta.
o Kaban
o Gitaar
o Durbaan
o Narso
o Turunbo
o Biyaano
Tixraac, Somali Wikipedia
Diyaarintii Abdikadir Diidii Boorama

Good text with google translate.
ReplyDelete