Abwaan Xamse Xadaari Ayaa Soo Bandhigay Heesaha Uu Curiyay Ee 2018kana Soo Baxaya.

Xamse Xadaari Oo Bartiisa Facebook Ku Baahiyay Qoraal U Dhignaa Nuqul Ka Mida Heeso Tiro Badan Oo Uu Soo Saari Doono 2018 Ayaa Waxa Uu U Dhignaa Sidatan:-

Qaybo Yar Yar Oo Ka Mid Ah Heesaha An Curiyay Anigu Ee 2018 Iyo Wixii Ka Dambeeya Si Buuxda U Soo Gaadhi Doona Dhagaha Shacabka,  Iyada Oo Ay Ku Luuqayn Doonaan Fanaaniinta Ugu Waaweyn Uguna Caansan Fanka Soomaaliyeed. 

Kuma Jiraan Heesahan Kuwii Wadaniga Ahaa Oon Iyaga Si Gaara Idiinla Wadaagi Doono. 

1. 
Ana Aawadaa Baan
Aduunyada U Joogaa
Adna Urugadaydaad
Ku Il-doogsanaysaa

2-
Murugta Farxad Baa Ku Xigi
Ilinta Qosol Baa Xidhxidhi
Nacayb Xubigaa Badali
Dhibtana Dheef Baa Xalini

3-
Docdaad Iga Joogtid Bay
Dabayl Iga Soo Gashoo
Naftaydani Daacadaa
Adaana Dareensanayn

4-
Qalbiga Ii Jeelanaaday
Anigu Jaah-wareerin Maayo
Sidaad Jamataa Xal Weeye
Marnaba Ku Jujuubi Maayo

5-
Qalbiga Faraj Raadinaaya
Ha Ooyin Adoo Faraaya
Inaad Farxad Muujinayso
Miyay Fahmayaan Dadkaagu

6-
Ila Gudo Wanaaga Danteena
Ila Guro Midhaha Kalgacaylka
Ila Gogol Ardaaga Jacaylka
Adna Noqo Macaan Gacantayda
Ana Waan Ahaan Garabkaaga

7-
Hadaanad Dheef U Hayn
Qof Aanad Ku Dhaadanayn
Ha Odhan Waan Kuu Dhintaa
Qalbiga Lama Dhaawacee

8-
Boholyowga Aan Qabo
Kal Buseeshay Awgaa
Ma U Beer Nuglaataa
Sidaan Kuugu Baabnahay
Maygu Baahanaysaa

9-
Amba Kuma Ilaawee
Adna Uurka Igu Hay
Sidan Kuu Ilaashado
Adna Ii Ogsoonow

10-
Nimaan Sasabayn Haween Ma Saxoo
Midkaan U Silcayn Sirtood Ma Fahmee
Su'aal Li'i Baan Ku Siiyay Qudhii

11-
Wixii Qiso Dhacay Hadaad U Qalmayn
Naf Yahay Qiil Sugo Qoomamka Diidoo
Adoo Qalad Tagay Ka Qaatay Duruus
Ogow Quustii Rajaa Ku Qarsoon

12-
Midaan U Hadree Hurdada U Jaraaay
Haneeya Hibooy Habeeya Kabaay
Haraad Tira Damal Hadhkiisiiyeey
Naftaan Kuu Huree Hibee Taadana

13-
Qalbiga Kugu Falan Ogow
Ka Dhowr Faraxeey Dayow
Ka Furo Ciil Iyo Irdhow
Fudaydkana Daa Ilow
Namiimka Ka Foojignow
Danteena Ku Fooganow

14-
Isha Buuxshe Beerka Deeqe U Badheedhay
Inan Baaqa Yar Bayaansho Baahidayda
Bilad Caashaq Kuugu Bixshay Boqorkayga
Hurdo Beelay Barqo Jiifka Bogan Waaye
Naf Bukootay Kuuna Baaban Ha Ka Baydhin
Bogga Heedhe Kuu Buseelay Ha Ka Baaqan

15-
Nimco Quruxlay
Xisku Kama Qado
Qunyar Kama Lado
Qofna Lama Simo
Jacaylkaan Qabo
Kama Qarin Karo
Mana Qiri Karo

16-
Kuma Nici Karo
Kuma Goyn Karo
Kol-kolkaad Hadal
Kulul Aad Tidhaa
Kaska Waan Fari
Samir Kaashiga

17-
Markan Quus Dareemana
Murugada Qadhaadh Iyo
Qalbigayga Waxa Dhiba
Qosol Baan Ku Dhaafaa

18-
Qalbiga Kugu Dhegay Ku Dhaata
U Dhinta Reer Wada Dhiskeena
Ka Dhigo Dhab Ahaan Dhigaaga
Ka Dhowr Wax Dhibaaya Oo Dhan

19-
Ka Faan Cabashada Facaaga
Ha Faydin Karaamadaada
Faraqa Kuu Madhan Dhib Maahe
Faqiirnimo Waa Quluubta

20-
Markaad Cadow Ii Wadhaan
Nacabka Kaa Waabiyaa
Adoo Waran Ii Sitaan
Anigu Wehel Kaa Dayaa
Adoo Laxash Ii Wadaan
Wadnaha Kugu Sii Hayaa. 

© Xamse Xadaari

Comments