BOORAMA: Warbixin Ku Saabsan Qabowgii Taariikhda Abid Ugu Badnaa Oo Boorama Laga Dareemay Iyo Saamayn Badan Oo Uu Yeeshay.

Boorama- Magaalada Boorama Oo Ku Taala Waqooyiga Gobolka Awdal Ee Galbeedka Somaliland Waxaa Maalmihii U Dambeeyey Laga Dareemayaa Qabow Aad U Badan Kaasi Oo Saamayn Kala Duwan Ku Yeeshay Noloshii Dabiiciga Ahayd Ee Magaalada Gaar Ahaan Wakhtiyada Habeenkii Oo Uu Yaraaday Isku Socodkii Dadka Iyo Gaadiidka Isaga Oo Sidoo Kale Saamayn Ku Yeeshay Ganacsigii Magaalada Gaar Ahaan Ganacsatada Wadooyinka Wax Ku Iibiya Ee Wadhatada.

Sawir Aan Galay Xili Dhulku Qaboobaa

Qabowgani Ayaa Si Kala Duwan U Saameeyey Nolosha Dadka Danyarta Ah Ee Ku Nool Guryaha Aan Sida Fiican U Dhisnayn Kuwaasi Oonan Ka Qabanay Qabow Iyo Roob Midna,
Waxa Sidoo Kale Uu Saamayn Ku Yeeshay Ganacsiga Magaalada Saamayntaasi Oo Ah Mid Guud Iyo Mid Gaar Ah.

Isku Socodka Magaalada Ayaa Yaraada Xiliga Habeenkii Iyada Oo Magaalada La Cidleeyo Fiidka Hore Ee Waxa Aad Arkaysaa Meelihii Dhalinyaradu Iskugu Imanaysay Taasi Oo Gabi Ahaanba Aanay Cidi Joogin.



Abdikadir Diidii Boorama

Comments