DEGDEG Fanaanka Caanka Ah Ee Nimcaan Hilaac Oo Soo Gaadhay Magaalada Boorama Iyo Soo Dhawayn Loo Sameeyey.

Sawirka Nimcaan Abdirahman Hassan Hilaac


Boorama- Fanaanka Caanka Ah Ee Nimcaan Abdirahmaan Hassan Hilaac Ayaa Magaalada Boorama Ee Xarunta Gobolka Awdal Soo Gaadhay.

Hilaac Oo Labadii Sanno Ee U Dambaysay Fankiisa Gaadhsiiyay Deegaanada Kala Duwan Ee Dhulka Ay Soomaalidu Dagto Iyo Dalalka Ay Jaarka Yihiin Iyo Kuwa Carbeed Ayaa Ku Soo Laabtay Hogiisii Magaalada Boorama.

Fanaankani Oo Dhawaan Soo Gaadhay Magaalada Jabuuti Ee Xarunta Dalka DJabuti Ayaa Soo Maray Safar Dhulka Ah Si Uu Wakhti U La Qaato Taageerayaashiisa Ku Sugan Inta U Dhaxaysa Djabuti Iyo Somaliland Oo Uu Ka Soo Jeedo.

Kumanaan Taageerayaashiisa Ah Ayaa Kaga Hortagay Nimcaan Deegaano Ay Ka Midyihiin Quljeed,Boon Iyo Caragara Nuug Oo Ah Halka Laga Soo Galo Magaalada.

Wixii Muuqaal Ah La Soco Dhawaan.

Abdikadir Diidii Boorama.

Comments