Fanaanadii Guduudo Carwo Oo Ku Geeriyootay Hargaysa..

Alle Ha U Naxariistee Shamis Abokor Guduudo Carwo Ayaa Magaalada Hargeysa Ku Geeriyootay.

Waxay Ahayd Xidig Aasaas U Ahayd Fanka Soomaalida Haddana Ku Noolayd Magaalada Hargeysa Ee Caasimadda Somaliland.

Guduudo Carwo Waxay Dhalatay Sanadkii 1935 Waxaanay Si Toos Ah Uga Heestay Markii U Horaysay Radio Hargeysa Sanadkii 1953, Xilligaas Oo Fanku Caan Ku Ahaa ‘heello’ Waxaanay Ahayd Qofkii U Horeeyay Ee Dumar Ah Oo Masraxyada Fanka Ka Soo Muuqda.

Waxa La Sheegay In Ay Dhalleecayn Kala Kulantay Bulshada Bilawgii Fankeeda Oo Ay Ahayd Bulshada Wax Ku Cusub Heesidda Hablaha Laakiin, Sannadihii Lixdamaadkii,70s Iyo 80s Ayay Ahayd Dadka Loogu Jecel Yahay Fankooda.

 

Comments