Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Agaasime Waaxeed Ayaa Ka Awood Badan.

BOORAMA- Dastuurka Somaliland qodobkiisa 91-ad, faqradahiisa 1, 2 , 3. iyo weliba faqradda 3-aad, xarfaheeda b, t, j iyo x, oo qeexaysa awoodaha madaxweyne ku xigeenku leeyahay ayaa u dhigan sidani:

Sawirka Abdirahman Saylici

1. Ku-simidda xilka Madaxweynaha marka uu Madaxweynuhu maqan yahay ama uu buko.
2 Gudashada hawlaha uu Madaxweynuhu u igmado.
3. Qabashada xilka Madaxweynenimo marka ay jagadu bannaanaato sababahan dartood:-
b. Is-casilaadda (xil-ka-tegid) Madaxweynaha.
t. Xukun dembi ah oo xilka lagaga xayuubiyey;
j. Marka uu hawshii loo doortay u gudan kari waayo caafimaad-darro darteed; iyo
x. Geeri ku timaada.
macnaha ugu weyn ee xilka madaxweyne ku xigeenka ayuunba iska ah muunad (symbolic) aan wax alla iyo waxay qaban karto, ama awood u leedahay jirin.
Tusaale haddaad u fiirsato Somaliland nidaamka ay qaadatay ee madaxweynanimo (executive presidential style), ka soo qaad tusaale dalka Maraykanka oo ahaa dalkii hannaanka madaxweyne-nimo ee Somaliland markii la dhisaayay loo ekaysiiyay.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanku wuxuu leeyahay dhawr awoodood oo dastuuri ah oo kala ah.
1) Madaxweynaha labada gole baarlamaan ee qarranka maraykanka (The president of the Senate and Congress), wuxuuna codkiisu u dhigma laba cod, tusaale ahaan marka xukuumadda maraykanku ay mooshin gayso Senateka iyo Congresska ay codayntu noqoto barbar dhac, isaga bar bar dhaca kala jabiya, halka uu codka siiyo ayuunba guushu raacda.
2) Awoodda labaad ee madaxweyne ku xigeenka maraykanku leeyahay waxaa weeyi waa guddoomiyaha guddida ammaanka qarranka (The chairman of the USA security council), xafiiskiisa waxaa ka tallo qaata haayada ammaanka qarranka waxaana toos u hoos taga haayada ammaanka, oo xafiiskiisa usii mara xafiiska madaxweynaha dalka maraykanka.
3) waa guddoomiyaha ergooyinka doorta madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka (the president of the electoral college), marka ergooyinka la soo xulayo madaxweyne ku xigeenka ayaa guddoomiya qaabka loo soo xulayo.
4) Waa madaxa golaha dhisidda siyaasadaha qarranka (the president of the policy making council), madaxweyne ku xigeenku isaga guddoomiya, kormeera isla markaana saxeexa sharciyadda maalin laha ah intaanay usoo gudbin xafiiska madaxweynaha maraykanka.
Somaliland markaad u timaado madaxweyne ku xigeenku waa xil qofka haya loogu tallo gallay inuu fadhiga uun mushaharkiisa ku qaato, maalmaha shirarka golaha wasiiradda ka soo qayb gallo, xita dastuurka Somaliland awood uma siinin madaxweyne ku xigeenka inuu cod ku leeyahay shirka golaha wasiiradda, haayadaha qarranka ee Somaliland gacan kuma laha, marka laga badin waayo madaxweynahu markuu dalka dibadiisa ku maqanyahay ayuu hawl maalmeedka qarranka sii haya, xita wakhtiga wasiiradda ayaa kaga awood badan hawl maalmeedka qarranka.
Waxaa igu kelifay inan qormadani qallinka u qaato, madaxweyne ku xigeenka Somaliland waa xil camays ah oo reer Awdal loogu tallo gallay in awooddii qarrankan ay ku lahaayeen lagaga jeediyo.

Qore Mohamed Mohammed Abdi Hassan Diridhaba

Comments