Muuse Biixi (Ma Jiro Qabiil Sheegan Kara Guushaydii)

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Oo Maanta Kulan Uu La Qaatay Golihiisa Wasiirada Ka Sheegay Hadal Taariikhiya Kaasi Oo Waran Ku Noqday Qabiilo Gaar U Sheegtay Guushii Uu Ka Soo Hooyay Doorashadii 13 Nov S.land Ka Dhacday.

Muuse Biixi Ayaa Yidhi " Aniga Qabiil Ima Sheegan Karo Waxa I Doortay Shacabka Ku Nool Somaliland, Wasiiradiina Halkan Ku Sugan Nina Qabiil Muu Keenin Ee Idinka Anaa Idin Doortay".

Hadalka Muuse Biixi Ayaa Ka Nixiyay Qabiilo Si Gaara U Sheeganayay Guushiisa Iyaga Oona Faan Ka Dhigtay.

Arintani Ayaa Noqonaysa Mid  Dhabaynaysa Halkudhigii Uu Ololaha Ku Galay Ee Ahaa Hogaamiye Go'aan Leh.

Muuse Biixi Ayaa Hadii Uu Ka Dhabeeyo Arintani Uu Noqon Doonaa Masuul Ku Beerma Quluubta Shacabka Mucaarad Iyo Muxaafadba.

Comments