Qurbo-Jooga Iyo Dalka Xidheedhkee Ka Dhaxeeya? Abdikadir Diidii

Marka Koowaad Ilaahay Waxa Uu Abuuray Umad Kuwaasi Lagu Magacaabo Bani Aadam Magaca Guud Laga Yahay.

Waxa Loo Kala Baxaa Islaam Iyo Gaal Oo Ah Labada Shay Ee Noolayaasha Baniaadamku U Kala Baxaan, Inaga Oo Alle Wayne Inagu Nimceeyey Islaamino Ayaan Hadana Nahay Qoomiyad Lagu Magacaabo Soomaali.

Burbur Dalka Ka Dhacay Kadib Waxaa Loo Kala Qaxay Dalalka Dibada Iyada Oo Ay Soomaalidu Yeelatay Dad Qurbo-Jooga Kuwaasi Oo Dalka Ka Caawiya Wixii Ay Awoodaan.

Hadaba Waa Maxay Xidhiidhka Ugu Wayn Ee Ka Dhaxeeya Dalka Iyo Qurbo-Joogta?

Umad Walba Waxay Leedahay Dhaqan Iyo Diin U Gaar Ah Oo Lama Taabtaana Umada Soomaaliyeed Oo Ah Dad Islaam Sunni Ah Waxay Leedahay Dhaqan U Gaar Ah Oo Leh Xad Iyo Xuduud.

Afka Oo Ah Xidhiidhka Ugu Wayn Ee Ka Dhaxeeya Qurbo-Joogta Iyo Dalka Ayaa Haatan U Muuqda Mid Sii Diciifaya Hadiina La Waayo Dadkaa Dibad Jooga Ah Ee Ku Dhaqan Dalalka Shisheeye Ayaa Noqon Karta In Uu Baabay Xidhiidhkii Ugu Waynaa Ee Qurbojoogta Iyo Dalka.

Murti Soomaaliyeed Ayaa Ahayd "Waraabe Halkii Loo Eryadaaba Waa U Toos" Oon Uga Socdo Hadii La Waayo Dibad Joog Ku Hadlaya Soomaali Dalka Uu Tagaaba Waa U Kiisa.

Abdikadir Diidii Borama

77diidii@gmail.com

Comments