Somaliland Oo Ku Biirtay Liiska Dalalka Lacagtoodu Qiimo Beeshay. Maxaa Sobobay?

Warbaahinta Moneycontrol.Com Oo Ka Faalloota Ganacsiga Iyo Suuqyada Ayaa Somaliland Ku Dartay Waddamo Dhaqaalahooda Dhibaato Haysato Kadib Markii Uu Hoos U Dhacay Qiimaha Shillinka Lacagtoodu.

Waxay Sheegtay In Somaliland Sarrifkeeda Ay Jaangooyaan Xawaalado Dhawr Ah, Islamarkaana Shillinku Galay Iyaga Oo Qiimaha Halka Dollar Ku Saleeyay 6,000 Shilling, Sidoo Kalena Noodhka Ugu Weyn Oo Ah 5000 Shillin Ku Tilmaamay Mid Hal Dollar Ka Qiimo Hooseeya.

Waddamada Somaliland Lagu Dhex Daray Ayaa Kala Ah Venezuela Oo Ka Tirsan Latin Amerika, Iran Iyo Uzbekistan Oo Ka Tirsan Qaaradda Eeshiya, Sierra Leone, South Sudan Iyo Zimbabwe Oo Ka Tirsan Qaaradda Afrika.

Dalalkan Ayaa Lagu Sheegay In Qiima Dhaca Lacagtooda Ay Sababtay Cuno Qabatayno Dhaqaale Oo La Saaray Kuwaas Oo Curyaamiyay Qiimaha Lacagta Iyo Dhaqaalahooda.

Comments