SPORTS: Saadaasha Guud Ee Kulanka Darbiga Ah Ee City Iyo United,Natiijo Nooceeyaa Laga Filanayaa?

Kulanka Xili Ciyaareedkan Ugu Wayn Horyaalka Premier Leaque Ee Manchester Derby Ayaa Caawa Fiidnimada Old Traffrod Ku Dhex Mari Doona Kooxaha Dariska Ah Isla Markaana Ay Colaada Wayni Ka Dhexayso Ee Manchester United Iyo Manchester City. Jose Mourinho Iyo Pep Guardiola Oo Waqti Dheer Ku Soo Xifiltamayay Heerka Ugu Sareeya Kubbada Cagta Ayaa Markale Garoonka Iskguu Soo Gali Doona Iyada Oo Kulankani Uu Yahay Kulankii Taariikhda Premier Leaque Ugu Qaalisanaa Ee Ugu Daawashada Badnaa.

Manchester City Ayaa Old Traffrod Soo Gali Doonta Iyada Oo Ah Kooxda Hogaaminaysa Horyaalka Premier Leaque Isla Markaana 8 Dhibcood Ka Saraysa Kooxda Ay Xifiltamaan Ee Manchester United. Sida Dhaqanka Kubbada Cagtu Yahay Waxaa Kulankan Laga Filayaa Saddex Natiijo Kuwaas Oo Ah Guul, Guuldaro Ama Barbaro Laakiin Saddexduba Saamayn Ayay Ku Yeelan Karaan Tartanka Horyaalka Premier Leaque.

Haddii Ay Kooxda Martida Loo Yahay Ee Manchester United Guulaysato Waxay Ka Dhigantahay In 5 Dhibcood Oo Kaliya Ay Ku Soo Koobi Doonto Hogaanka Manchester City Ay 8 Dhibcood Ku Hayso, Laakiin Haddii Ay Manchester City Guulaysato Waxay Hogaanka Ku Qaban Doontaa 11 Dhibcood Oo Nadiif Ah, Waana Saamaynta Uu Kulankani Xambaarsan Yahay Halka Barbaro Ay Galaan Ay Sii Joogtayn Doonto In City Ay 8 Dhibcood Hogaanka Ku Sii Hayso Iyada Oo Kulan Wayn Ciyaartay.

Laakiin Saamaynta Kulankani Intan Oo Kaliya Kuma Koobna Balse Waxaa Sidoo Kale Kulankan Isha Ku Haya Kooxaha Kale Ee Premier Leaque Oo Sugaya In Kooxaha Ree Manchester Ay Dhibco Dhexdooda Ku Lumiyaan Si Ay U Soo Tiigsan Karaan Waqtiyada Soo Socda.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Manchester United Waxaa Kulankii Ugu Horeeyay Ee Saddex Kulan Oo Ganaax Ah Kaga Maqnaan Doona Paul Pogba Kaas Oo Kaadhka Cas Oo Toos Ah Qaatay Kulankii Emirates Stadium Ee Ay Red Devils Guusha Ka Soo Gaadhay Arsenal Waxaana Sidoo Kale Xaalad Wadno Xanuun Ah Wali La Sii Maqan Michael Carrick Halka Difaaca Dhexe Ee Eric Bailly Uu Dhaawac Ku Sii Maqnaan Doono.

Laakiin Jose Mourinho Ayaa Xaqiijiyay In Kulanka Manchester Derby Ay Diyaar U Yihiin zlatan Ibrahimovic, Phil Jones Iyo Nemanja Matic Halka Xili Danbe La Qiimayn Doono Xaalada Xidiga Khadka Dhexe Ee Marouane Fellaini. Ma Jiro Wax Walwal Dheeraad Ah Oo Uu Mourinho Ka Qabo Xidiga Kooxdiisa.

Liiska Man United Ee Kulanka Manchester Derby: de Gea, Romero, Pereira, Valencia, Darmian, Tuanzebe, Young, Shaw, Blind, Rojo, Smalling, Lindelof, Jones, Matic, Herrera, Mctominay, Fellaini, Lingard, Mata, Mkhitaryan, Martial, Rashford, Lukaku, Ibrahimovic.

Dhinaca Kooxda Manchester City Waxaa Soo Laaban Doona Xidiga Saamaynta Badan Ee David Silva Kaas Oo Dhibaato Ka Soo Gaadhay Kulankii West Ham Ku Seegay Kulankii Heerka Groupyada Champions Leaque Ugu Danbeeyay Ee Ay City Guuldarada Kala Soo Laabtay Shakhtar Wuxuuna Xidiga Ree Spain Diyaar U Yahay In Uu Shaxda Guardiola Ku Soo Laabto.

Xidiga Khadka Dhexe Basle Uu Guardiola Difaaciisa Bidix Ku Xaliyay Ee Fabian Delph Ayaa Isna Ka Soo Kabsaday Xumad Uu Ku Seegay Isla Kulankii Shakhatar Wuxuuna Taam U Yahay Kualnka Manchester Derby Laakiin Waxaa Guardiola Ka Sii Maqnaan Doona Difaaca Dhexe Ee John Stones Si La Mid Ah Xidiga Waqtiga Dheer Maqnaan Doona Ee Benjamin Mendy.

Liiska Ciyaartoyda Man City Ee Kulanka Manchester Derby: ederson, Bravo, Walker, Danilo, Otamendi, Mangala, Kompany, Delph, Zinchenko, Toure, Gundogan, Fernandinho, David Silva, Bernardo Silva, De Bruyne, Sterling, Sane, Aguero, Jesus.

Xogta Kulanka

Kulanka: Manchester United Vs Manchester City

Tartanka: Premier Leaque Kulankiisa 16 Aad

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 7:30 Fiidnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Michael Oliver

Xog Aad Kulankan Uga Baahan Tahay:

Manchester United Iyo Manchester City Ayaa 156 Kulan Oo Hore Soo Wada Ciyaaray Waxaana 61 Ka Mid Ah Soo Guulaysatay Manchester United Halka Manchester City Ay 44 Kulan Soo Guulaysatay Waxaana Barbaro Ku Soo Dhamaaday 51 Kulan.

Manchester City Ayaa Ah Kooxda Goolasha Ugu Badan Ku Dhalisay Old Trafford Iyada Oo Rekoodhkan La Wadaagta Chelsea Waxayna Ka Soo Dhaliyeen Min 27 Gool Oo Premier Leaque Ah Halka Manchester City Ay Sidoo Kale Tahay Kooxda Labaad Ee Guulaha Ugu Badan Ku Soo Gaadhay Old Trafford Waxaana Ka Horaysa Chelsea Oo Kaliya.

Manchester United Ayaan 24 Kulan Oo Xidhiidh Ah Oo Premier Leaque Ah Iyo 40 Kulan Oo Xidhiidh Ah Oo Tartamada Oo Dhan Ah Aan Wax Guuldaro Ah Ku Arkin Old Trafford Waxayna Guuldaradii Ugu Danbaysay Ee Soo Gaadhay Ahayd september 2016 Markaas Oo Ay Manchester City Ahayd Kooxdii Ugu Danbaysay Ee Red Devils Garoonkeeda Guuldaro Ku Baday.

Manchester City Ayaa Soo Guulaysatay 13 Kulan Oo Xidhiidh Ah Waxaana Hore Guulahan Oo Kale U Soo Gaadhay chelsea (2016-17), Arsenal (2001-02), Preston Iyo Sunderland ( 1891-92) Laakiin Haddii Ay City Guul Soo Gaadho Waxay Dhigi Doontaa Rekoodh Cusub Oo Premier Leaque Ama Horyaalka Heerka Kowaad Ee Enland Ah.

Jose Mourinho Ayaa Rekoodh Aad U Liita Ka Haysata Ninka Ay Sida Waynu Xifiltamaan Ee Pep Guardiola Wuxuuna Mourinho Soo Guulaystay 4 Kulan Oo Kaliya Oo Ka Mid Ah 19 Kii Kulan Ee Uu Waayihiisa Tababaranimo Kaga Hor Yimid Kooxihii Uu Guardiola Hogaaminayay Wuxuuna Guardiola Soo Guulaystay 8 Kulan, 7 Kulan Ayaa Babraro Ku Soo Dhamaaday Halka Mourinho Uu 4 Guulood Oo Kaliya Soo Gaadhay.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood:

Man United Starting Xi: de Gea; Lindelof, Smalling, Rojo; Valencia, Matic, Herrera, Young; Lingard, Martial, Lukaku

Man City Starting Xi: ederson; Walker, Otamendi, Kompany, Delph; De Bruyne, Fernandinho, Silva, Sterling, Aguero, Sane

Comments