WARBIXIN: Muxuu Ka Badali Doonaa Ganacsiga Somaliland Wasiirka Loo Magacaabay Wasaaradaasi Mudane Maxamuud Xasan Sacad "Saajin"

BOORAMA- Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Cusub Ee Somaliland Ayaa Maanta Ku Dhawaaqay Golaha Wasiirada Ee Xukuumadiisa Isaga Oona Soo Dhisay Xukuumad Kooban.

Sawirka Wasiir Saajin
Aqoonyahan Maxamuud Xasan Sacad "Saajin" Oo Ka Mid Ahaa Masuuliyiintii Xisbiga Kulmiye Sida Aadka Ah Ugu Ololaynayan Ayaa Waxaa Loo Magacaabay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga,Warshadaha Iyo Dalxiiska Somaliland.

Maxamuud Oo Kamida Ganacsatada Ugu Waawayn Gobolka Awdal Isla Markaana Ka Soo Jeeda Qoys Ku Abtirsada Ganacsiga Somaliland Taariikh Dheerna Ku Leh Ganacsiga Dalka Tan Iyo Burburkii Xukuumadii Dhexe Ee Soomaaliya.

Masuulkani Ayaa Ah Aqoonyahan Ku Xeel Dheer Dhinaca Ganacsiga Waana Shaqsi Booskaasi Ka Soo Bixi Kara Shacabka Gobolka Awdal Ayaa Si Wayn U Soo Dhawaynaya Magacaabistiisa.

Muxuu Ka Badali Karaa Ganacsiga Somaliland

Saajin Ayaa Ganacsiga Somaliland Gaadhsiin Kara Halka Ugu Saraysa Isaga Oo Waayo Aragnimo U Leh Ganacsiga Iyo Ganacsatada Ku Dhaqan Deegaanada Somaliland.

Ganacsiga Somaliland Iyo Caalamka

Waa Qurbo Joog Ku Xeel Dheer Dhoofinta Maciishadaha Kala Duwan Ee Somalida Gaar Ahaan Somaliland, Sidoo Kale Waa Ganacsade Caalamka Kala Soo Daga Waxyaalo Kala Duwan Oo Laga Isticmaalo Somaliland.

Abdikadir Diidii Boorama

Comments