Siyaasi Soomaaliyeed Oo Dhalinyaro Ah Oo Faaleeyey Waxqabadkii Xukuumada Soomaaliya.

Hami Dhismo Dawladnimo Taam ah Hagardaamo Shisheeye Taageer Shacab iyo Bilowga Guusha2018!

Sanadkii 2017 waxa dalka ka dhacay isbadal ninba gaar umacneeyay  Dawladnimo shacbiyad leh iyo mucaaradadad garab shisheeye leh.

Waxan u Hambalyaynayaa Madaxda u adkaysatay dhacdooyin hagardaamo iyo jidgooyo cad oo macnaheedu ahayd burburinta rajada Shacabka.

Halkan waxa aan ku soo qaadanayaa qodobo sababi karay Khilaaf, Niyadjab iyo Sidii Caadada ahayd Madax iskudhacda iyo Shaqooyin hakad gala dhaxalkeduna yahay burbur iyo Dibusocod!.

1- Abuuritaanka Kudlo La Magac baxday HoreUsocod oo noqotay dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee Mucaaradka Burburinta Qaranka oo lagaga dhawaaqay Nairobi Xukuumada oo Jirtay Usbuucyo yar, Shacabka oo ay eedaymo bdan kala kulmeen dib ayay ugurteen saamayntooduna wax saamayn ahna kuma yeelan.

2-Dhimashadii Wasiir Siraaji oo udhacday si aan kas ahayn dawladuna ay jawaabo adag ka qaadatay iyadoo xilkii ka qaaday hanti dhawrahii isla markaana maxkamadaysay eedaysanihii dilay wasiirka, mucaaradku roolkoodii siyaasadaynta way sii wadeen ugu danbayna meel way gaadhsiin wayday waxana shaqaysay cadaaladda.

3-Dhiibistii Sarkaal ka tirsan ONLF oo loo dhiibay Ethiopia oo iyadana ujeedkeedu ahaa in shacabka iyo dawlada la iska horkeeno, taas oo ay ilaa hada saamaynteedu sii muuqato madaxda ugu saraysa dalkuna ay ka aamuseen, ayaa hadana waxa muuqatay xidhiidh labada dawladood isku dhaafsanayaan maxaabiis inkastoo sharciyaqaanadu qaabab kala duwan u macneeyeen.

4-Dhacdadii Bariire warbixin qaldan oo goobo kale laga hagayay laguna galaaftay dad shacab ah ugu danbayna dawladu garwaaqsatay, arintaasna gudi usaartay xalna ka gaartay mucaaradkiina ku noqotay candhuuftaada dib uliq.

5-Qorshahii Xasilinta Caasimada oo Mucaaradka Qaran dumis siyaasadeeyeen iyagoo ku macnaynaynayay in dad gaar ah loo dan leeyahay balse madaxdu uga gudubtay khilaaf la,aan iyadoo aad looga dareemay magaalada xasilooni.

6-Khilaafka khaliijka oo iyadna Mucaradku uga faaidaysteen iska horkeenka Dawlada Federaalka iyo  Maamulada Dalaka lacag badana lagu kala qaatay balse dawladu uma liicin xukuumaduna kuma kala jabin waxana ay ku adkaysatay go,aankeedii dhexdhexaadnimo.

7-Shirqoolkii Kismaayo ee qorshihiisu ahaa in Dawlada dhexda lagaga jabiyo laguna cadaadiyo in ay la safato xulafada Sucuudiga taasi oo lagu fashilmay ugu danbayna keentay in maamulada gudahooda ay ku noqoto oo ay dhexdooda khalkhal dareemaan halka xukuumada federaalku si tartiib ah uga war dhawraysay.

8- Qaraxii Soobe oo umad badan ku haligantay waxa ay ahayd masiibo qaran balse Mucaaradka Qaran Dumis ay u arkeen fursad ay ku kala daadiyaan xukuumadda kana hor keenaan shacabka balse keentay midnimo, walaalnimo iyo jacayl cusub oo shacabku dawladooda si wada jir ah ugala qayb galaan gurmadka.

9- Iscasilaad iyo Xilkaqaadis is daba socda oo mucaaradku filayay in ay lumiso xasiloonida siyaasada ee xukuumada oo aan haba yaraatee saamayn ku yeelan shaqadana halkeedii kasii socotay. waxan xasuustaa in Wasiir la badalay ama wax kasii yar ay keeni jirtay in la rido Xukuumad shaqaynaysa.

10- Gacan Ka hadal dhexmaray Dawlada iyo Mucaaradka Qaran Dumis oo galaaftay nolol dad aan waxba galabsan iyo khilaaf Sharci oo kusii baahay hay'adihii Dawlada sida Xeer ilaalinta, Maxkamadaha, Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, taasna wax khilaaf ah kuma keenin xukuumadda ilaa hadda oo hawlaheeda dardar ayay ku socdaan.

11- Dhamaan intaa aan kor ku xusnay iyo kasii badan oo ay soo maleegayeen cadaw dal iyo dibadba ka wada socda ayaa hadana Dawlada uu Hogaamiyo Farmaajo iyo Wasiirkiisa 1aad Khayre iyo Goloyaasha kale ee dawlada marnaba ma dhicin khilaaf dhexdooda ah taas ayaana keentay in ay muddo 9 bilood ah ku fuliyaan wax qabad la taaban karo iyo balamihii ay uqaadeen shacabka.

Labada Aqal ee Barlamaanka Waxqabadkoodii 2017 Waxan ka xusi karaa Ansixin Sharciyo Xukuumadu iyo Miisaaniyad xukuumadu soo gudbisay xaalkooduna waxa uu u badnaa LamaHelikaro!

12 - Way Guulaysatay xukuumaddu taasna sababteedu waa wada shaqayn iyo is aaminaad dhexdooda ah iyo waliba taageerada Shacabkana si kastoo loo xagal daaciyo waa tii kolba soo noolaata. Amaanada iyo Balanta aad uqaadeen shacabkiina halkaa kasii wada. Wanaag oo dhan waxa uu wajahaa Cadow uu hogaaminayo shaydaan jidgooyo iyo qodxo wata.

Mucaarad waan ubaahanahay, balse uma baahnin in dawlada loo mucaarado dano shaqsiyadeed ama mid banaanka ka timid oo dalal shisheeye loogu adeegayo. Aan helno Mucaarad wax saxa dawlada usheega qaladkeeda, abuura jawi xasiloon Nabada iyo dhismaha dalkana ka qayb qaata!

Dalka iyo Dadka Nabad iyo NoloL ugu raadsha shacabkana haloo tudho nina lagama xigo dalka qofna laguma cabudhin karo aan ku cibro qaado wixii socday in ka badan rubuc qarni!

Waxan xusay 12 dhacdo sanadkii tagay maadaama sanadku ka koobanyahay 12Bilood balse dhacdooyinku intaas ka badan Madaxda maanta joogtana intaas oo dhan waxa ay kaga gudbeen wada shaqayn iyo is aaminaad. Alaylehe Waa Bir Ee Maaha Bac waayo mar hore ayay kala daadan lahayd wixii wax qabad ahna indhaheenu way arkaan iyo in dalku talaabooyin horumar ah qaaday!

_Danta_Dalka_iyo_Dadka

By; Khaled Jahweyn

Comments