Magacyada 6 Shaqaale Ah Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Ciraaq Oo La Shaaciyay

Kc-135 Stratotanker

Mareykanka: Waaxda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa shaacisay magacyada lix shaqaale ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka Mareykanka oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay galbeedka Ciraaq toddobaadkii hore, kaas oo ku lug lahaa diyaarad shidaal ku shubta oo nooceedu yahay Kc-135 Stratotanker. 


Diyaaradda ayaa burburtay 12-kii maarso 2026, iyadoo taageeraysay hawlgallada la dagaallanka Iran, waxaana la xaqiijiyay in dhammaan lixdii qof ee saarnaa ay dhinteen. 

Magacyada shaqaalaha la shaaciyay waa:
Maj. John A. Klinner 33 jir Auburn, Alabama.
Capt. Ariana G. Savino 31 jir Covington, WA
Tech. Sgt. Ashley B. Pruitt 34 jir Bardstown, KY.
Capt. Seth R. Koval 38 jir Mooresville, Indiana.
Capt. Curtis J. Angst 30 jir Wilmington, Ohio.
Tech. Sgt. Tyler H. Simmons 28 jir Columbus, Oh.
 
Laga bilaabo bidix ilaa midig: Kabtan Curtis Angst; Sarreeye Farsamo Tyler Simmons; Kabtan Seth R. Koval (Ilaalada Qaranka ee Ohio)
Laga bilaabo bidix ilaa midig:
Kabtan Curtis Angst;
Sarreeye Farsamo Tyler Simmons;
Kabtan Seth R. Koval (Ilaalada Qaranka ee Ohio)

Sida laga soo xigtay Pentagon-ka, Klinner, Savino, iyo Pruitt waxaa loo xilsaaray Garabka  6-aad ee Shidaal-shubka ee Saldhigga Ciidanka Cirka Ee Macdill ee Florida, halka Koval, Angst, iyo Simmons ay ka tirsanaayeen Garabka 121-aad ee Shidaal-shubka ee ilaalada qaranka ee Ohio
Centcom ayaa sheegtay in shilku dhacay iyadoo diyaaraddu ku jirto hawada saaxiibtinimo ("Friendly Airspace") isla markaana baaritaan lagu hayo sababta, iyadoo la xaqiijiyay inaysan ahayn rasaas cadow ama mid saaxiibtinimo.

Abdikadir Diidii 

Comments